|

Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka Oo Wada Qorshe Ay Ku Diwaangelinayaan Hantida Ay Haystaan Musharraxiinta Xisbiyadu, Ka Hor Doorashada & Qorshe Doorashada Lagaga Reebayo Murrashaxa Haysta Dhalasho

Hargaysa 26. July 2017 (SDN/QJ):- Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Doonayaan in la diwaangeliyo Hantida ay haystaan Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeennada ee Xisbiyada ugu tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Dalka ka dhacdo daba-yaaqada Sannadkan.

Sidaana waxaa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Shalay Telefiishanka Kalsan kula haday Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ugu horeyn ka hadlaya Qorsheyaashooda la xidhiidha ilaalinta Hantida Qaranka Muddada kala-guurka ee Doorashada ka hadhay ayaa yidhi “Waxaanu Wasaaradda Maaliyadda Madaxdeeda ka wada hadlaynaa sidii Saddexda bilood ee soo socda loo ilaalin lahaa Hantida Qaranka, taasi oo ay kow ka tahay inaan la iibin Muddadaa wax Hanti Qaran ah. Waxaanu doonaynaa Qorshe Cad oo meel yaalla oo lagu ilaalinayo Hantida Qaranka Saddexda bilood ee soo socda, si aan loogu Takri-falin muddada kala-guurka ah ee soo socota.”

Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo la waydiiyey inay qorshaha ugu jirto inay Diwaangelinta Hantida Musharraxiinta Xisbiyada Qaranka uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada, ayaa ku jawaabay “Arrintaa waxaanu laba jeer iska aragnay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka, si wanaagsana waanu iskugu afgaranay in Doorashadani ka duwanaato Labadii Doorasho ee hore Somaliland uga dhacay, waxaanu doonaynaa in la diwaangeliyo Hantida Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee Somaliland, taana waxa si cad u caddaynaya Qodobka 82-aad, farqaddiisa 9-aad, markaa maaha waxa Guddigu wadato ama Dan-gaar ah laga leeyahay. Markaa Qodobkaasi waa mid aad u wanaagsan waxayna horseedaysaa in Musuqmaasuqa laga hor-tago, markaa taasi ayaa toosinaysa Qaranka Mustaqbalka, marka ogyahay Hantida uu Madaxweynuhu la soo galay Qasriga Madaxtooyada iyo wuxuu kala baxay.”ayuu yidhi

 

Guddoomiyaha Guddida ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiilllada Somaliland, Md. Naasir Xaaji Cali Shirre, Waxa uu Sheegay oo kale inay ku Hawlan Yihiin Sidii Murashixiinta Madaxweyne Iyo Ku Xigeen aanay u Yeelan lahayn dhalasho dal kale Isagoo yidhi “Waxa aanu guddida doorashooyinka isla soo qaadnay oo kale oo aannu ka wada hadalnay, una caddaynay in qodobka 82-aad ee dastuurka Somaliland faqaradiisa koowaad waxa ay si cad u sheegaysaa in murrashaxa madaxweyne iyo madaxweyne Ku-xigeen, in aanay yeelan dhalasho dal kale way ahaan karaan qaxoonti ku sugan dal kale oo wali dhalasho ka qaadan,laakiin qofkaasi hadduu baasaaboor ajaaniba haysto oo uu yahay qof dhalasho dal kale haystaa aanu noqon karin murrashax Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, baarlamaankana waanu soo hor-dhigaynaa waana ka ansixinaynaa,”

Comments are closed