|

Guddiga Doorashooyinka Somalia oo shaaciyey Kharashka is-diiwaan gelinta musharaxiinta labada aqal ee baarlamanka

Muqdisho 04, October 2016 (SDN/QJ):- Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa soo bandhigay Kharashka amase Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee Musharixiinta u tartamaysa Kuraasta Barlamaanka soo socda iyo Xisaab Bangiyeedka lagu soo shubayo Kharajka Musharixiinta..

 

Xildhibaanadda doonayo inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Barlamaanka waxaa lagu casuumay inay iska diiwaan geeliyaan Golaha Fulinta ee Dowladda.

Kharajka Is-diiwaan gelinta Musharixiinta Ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Sare oo ay dejiyeen Hoggaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka ayaa ah lacag dhan 10,000 oo Dollar, halka Haweeneyda Musharaxa ah laga doonayo Kharashka Is-diiwaan gelinta oo dhan 5,000 oo Dollar.

Sidoo kale, Musharixiinta Aqalka Shacabka ayaa lagu casuumay inay isku diiwaan geliyaan xilliga loo cayimay Xafiisyadda Guddiga Doorashadda ee Heer Dowladeed.

Musharixiinta waa inay soo buuxiyaan Foomka Diiwaan-gelinta iyo Codsiyadda looga baahan yahay sida Warqadda Caddaynta Lacag-bixinta ee Xisaab Lacageedka Bangiga.

Diiwaangelintu ma noqon doonto mid dhamaystiran ilaa laga bixiyo Kharajka, lana wada hubiyo dhamaan Dukumentiyadda.

Kharajka Isdiwaan gelinta ee Musharaxa ragga ee ka mid noqon doona Aqalka Shacabka waa 5,000 oo Dollar, halka haweeneyda Musharaxa ah ay bixin doonto lacag dhan 2.500 Dollar.

 

Lacagaha Is-diiwaangelinta Musharixiinta doonaya Xildhibaanimadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda waxay ku soo hagaajinayaan Xisaab-lacageedka Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka ee tirsigiisu yahay 104104638 ee Dahabshil.

Comments are closed