|

Baadhayaal Sheegay In Ruushku Soo Riday Diyaarad Laga Lahaa Maleeshiya Oo Ay Ku Dhinteen 283 Ruux

Moscow 04, October 2016 (SDN/QJ):-Baadhitaano Caalami ah oo ay ka qeyb qaadanayeen Waddamo dhowr ah, ayaa 2 sano ka dib lagu ogaaday in Dawladda Ruushku soo ridday Diyaaradii laga lahaa Dalka Malaysia ee ku dul-burburtay Hawada Dalka Ukraine.

 

investigators-said-the-russian-aircraft-had-fired-malesiya-killing-283-spiritShacabka ama Rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 283-qof iyo 15-Qof oo ka mid ahaa Shaqaalihii Diyaarada, waxaana Dadkaa badankoodu u dhasheen Dalka Holland.

 

Diyaaradaan oo nooceedu ahaa Boin MH17 waxaa laga lahaa dalka Malaysia waxayna ka duushay garoonka Diyaaraha Amsterdam ee caasimadda dalka Holland, waxayna ku sii jeeday Caasimadda Waddanka Malaysia ee Kuala Lumpur.

 

Baadhayaashii shilkan oo ay ku jireen qaar ka socday dalka Ruushka ayaa waxa ay heleen caddeymo muujinaya in Ruushku uu Diyaaradaan gantaal ku soo riday xlili uu caawinayay maleeshiyaadka Mucaaradka ah Dagaalada ka wada Dalka Ukraine .

 

Codadka Ciidamadii Ruushka ahaa ee bixiyey amarka ah in la soo rido diyaaradda 17-kii bishii Julay sanadkii 2014-kii ayaa dhamaan la soo helay, waxayna isku dayeen in qaar ka mid ah Qalabkii burburay ee Diyaaraddan ku qariyaan gudaha dalka Ruushka si aanan loo helin xogta ama Gantaalka soo riday diyaarada MH17 dalka laga leeyahay iyo ciidanka soo ridayba.

Comments are closed