|

Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro oo Xaafadda Aktober ee Hargeysa u Dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo u Fulinaayo Xisbiga WADDANI DAAWO

Hargeysa 11. February,2016(SDN/QJ):– Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland sida oo kalena ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dhagax dhigay xarun caafimaad oo ah qeybta dhalmada iyo daryeelka hooyada(MCH) isla mar ahaantaana ay ka xisbi ahaan u dhisi doonaan xaafadda Aktober ee degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.
283bf285-2dc6-4432-9f49-2dba8d0b3b15Waxaana koobtii dhagax dhigga ka soo qeyb-galay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, afhayeenka xisbiga WADDANI xidhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, odeyada xaafadda, culimaa-uddiin, hooyooyin aad u tira badan iyo dadweyne kale.
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan in ay ka xisbi ahaan ay xaafadda Aktober kala qeyb-qaataan dhisidda xarun caafimaad oo lagu daryeelo laguna xanaaneeyo hooyada xilliyada dhalmada, sida oo kalena xarun caafimaad u noqota dadka jilicda san ee xanuunsanaaya.
“Waxa farxad noo ah in aanu shacbiga xaafaddan degan Aktober ee baahida weyn u qaba rug caafimaad oo lagu daryeelo laguna xanaaneeyo hooyada oo ay muddo dheer sugaayey, balan-qaadyo badana la siiyey oo suurto-geli waayey sida ay sheegeen dhowr sanno, maantana ay iyagu doonayaan in ay billaabaan oo wixii ay jeebabkooda ka helaan ay ku billaabaan, markaa marka hore waa aan ku hambalyeynayaa dadka xaafadda oo ay rugaha caafimaad ee u dhow ay aad uga fog fog yihiin, inkasta oo xaafaddu dad danyar ah u badan tahay, dhaqaalaheeduna aanu fiicnayn, muddo badana ay ka sugayeen xukuumadda, waxa aan u sheegaynaa shacbiga in aanu xisbi ahaan kala qeyb-qaadan doono oo aanu dhaqaale ka geysan doono, ugu baaqeyno taageerayaasha xisbiga gudaha iyo dibaddaba in wixii ay u karayaan ay u soo diraan, sida oo kalena ganacsatada iyo hay’adahana waxa aan ugu baaqeynaa in ay shacbiga kala qeyb-qaataan. Waxaana aanu insha Allah rajeynaynaa in ay baahidaas laga baxo oo aanu anaguna gacan ka geysano, dadka aanu xusnayna ay gacan ka geystaan, waxaana aanu guud ahaan shacbiga ugu baaqeynaa in ay ku dhiiradaan in ay iyagu wax-qabsan karaan oo ay billaabaan, marka ay billaabaana waxa ay ila tahay waajib ayey noqonaysaa in gacan la siiyo oo la la dhammeystiro mashaariicda yar yar ee baahiyaha aas aasiga ah, caafimaadkuna waa kuwa ugu muhiimsan bani-Aadamka.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro)
Qaar ka mid ah hooyooyinkii iyo odeyaddii halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba guddoomiyaha xisbiga WADDANI uga mahad-celiyey dhagax-dhigiddan xarunta caafimaad, waxaana ay taa bedelkeeda ku dhawaaqeen in ay ugu duceynayaan in Alle uu u fududeeyo muraadkiisa, iyaga oo carabka ku dhuftay in ay dhankoodana ay kaalin weyn ka qaadan doonaan siddii ay u barbar istaagi lahaayeen maadaama uu garab u noqday maalintii ay baahnaayeen.
“Guddoomiye xaafaddan waxa la yidhaahda Aktober, shan sanno ka hor ayaanu meesha iibinay oo qeybna ay bixisay qoladan dawladda hoose oo dhulkan qorshe loogga jaray, guddoomiye in badan ayaanu meeshaas la rafaadnay oo illaa dawladda hoose iyo illaa caafimaadk guud aanu ku dhex dawakhnay, wasiirka caafimaadka Xagla-toosiye halkaas ayaanu keenay oo uu xattaa balan-qaaday in uu dhisaayo imikana weli may suuro-gelin, hadana laba sanno ayaa laga jooga wakhtigii uu Xagla-toosiye wax noo balan-qaaday dubna nooggu muu soo noqon. Guddoomiye adiga oo ah maanta mucaarad mustaqbalkana aanu ka rajaynayno in aad noqoto madaxweyne in uu Illaahay maanta noo kaa keenay, waxa aanu kaaga mahadcelinaynaa in aad maanta meeshaas noo dhisayso oo aanu baahi xooggan u qabno. Waxaana aanu halkan dhammaantayo cod dheer ku sheegaynaa in aanu garabkaaga nahay, maadaama aad na barbar istaagtay annaga oo baahan, waxaana aanu Alle kaaga baryeynaa in uu muraadkaaga ku siiyo”.Ayey yidhaahdeen qaar ka mid ah odeyaddii iyo hooyooyinkii halkaas ka hadlay.

Comments are closed