|

Guddoomiye Cirro Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Shucuubta Caalamka Ku Hambalyeeyey Curashada Sanadka Cusub Ee Miilaadiga 2016

Hargaysa 31. Decembar 2015 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Ahn Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,isagoo ku haddlaya Magacisa ka Shir- Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Ka Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka Ah ee WADDANI, wuxuu hambalyo Iyo Duco U Dirayaa Dhamaanba Shacabka weynaha reer Somaliland Meelkasto oo ay Joogaan iyo Guud ahaanba shucuubta aduun weynaha, Curashada sanadka cusub ee Miilaadiga Awgeed 2016, kaas oo uu  curashadiisu ku beeganyahay habeenka Jimcaad Ee Caawa Ah.

cirro

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), waxaa uu Illaahay uga baryeyaa umada reer Somaliland   inay sanadkan, sanadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo iyo nabad qab. Iyo weliba  ictiraaf buuxa, Isaga oo sida oo kalena Illaahay uga baryey guud ahaanba inta xanuunsanaysa in uu xanuunka ka dulqaado, intii dhimatayna uu u naxariisto oo janatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

 

Waxaana uu guddoomiye Ciro uu leeyahay hambalyo hambalyo Alleh sanadkan sanadkiisa nabad iyo Ictiraaf buuxa oo aynu helno & caafimaad qab, cimri dherer iyo  cibaado suuban, ha ha inagu gaadhsiiyo

Aamiin Aamin Aamin

Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,

Waaxda  War-faafinta Ee Xisbiga WADDANI

 

Comments are closed