|

Guddoomiye Jeyte oo qabsaday Baladweyne

Baladweyne June 18, 2023 (QJ) – Ciidamo daacad u ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaano ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xiisadan ayaa ka dambeysay kadib wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo qeyb weyn ka qaatay la dagaalanka Al-Shabaab. boostada.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka jawaabay xil ka qaadistii lagu sameeyay, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Baledweyne wuxuu ku sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu Gobolka Hiiraan ka bixi doono Hirshabelle.

Ciidamada ka amar qaata Cali Jeyte ayaa fariisimo ku leh gudaha magaalada Beledweyne, waxaana ka mid ah garoonka diyaaradaha ilaa Ugaas Khaliif. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo kale oo taabacsan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ay wadaan abaabul ka dhan ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo xalay xilka laga qaaday.

Si kastaba ha ahaatee xaalada magaalada Beledweyne ayaan ilaa hadda kala cadeyn. Haddii xiisadan ay cirka isku sii shareerto ayaa waxaa laga yaabaa in ay keento dagaal toos ah oo dhexmara Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kuwa taageersan Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Comments are closed