|

Mareykanka iyo ATMIS oo kawada hadalay amniga Soomaaliya

Muqdisho June 18, 2023 (QJ) -Taliyeyaasha sare ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Jimcihii wada hadal la yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xaaladda ammaan ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding, taliye ku xigeenka ciidamada qalabka sida ee dhinaca taageerada iyo saadka Maj. Gen. Peter Kimani Muteti iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ATMIS ayaa la kulmay Lt. Gen. Jonathan Braga oo ah taliyaha howlgalada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka iyo Rear Admiral Jamie Sands, oo ah Taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka ee Howlgalka Gaarka ah u qaabilsan Afrika ee ATMIS ee ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Taliyaha ciidamada ATMIS-ka ayaa sheegay in wada hadalada albaabada u xirnaa ay diirada ku saareen sidii loo taageeri lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo sugo amniga iyo xasiloonida maadaama ciidamada ATMIS ay si tartiib tartiib ah Soomaaliya uga baxaan oo ay Soomaalida ku wareejiyaan mas’uuliyadda amniga.

“Mareykanku waa mid ka mid ah saaxiibadayada caalamiga ah. Waxa kale oo ayu hureen hawl-galkan dhaqaale badan, waxaana ka wada hadalnay arrimo muhiim ah,” ayuu yidhi Lt. Gen. Okiding kulanka ka dib.

“Waxaan ku jirnaa geeddi-socodkii kala-guurka, marka ATM-ka laga baxo, waa inaan ku faannaa walaalaheenna inay gacanta ku dhigaan amniga dalkooda. Taasi waa rajadayada iyo ducadayada,” ayuu raaciyay.

Rear Admiral Jamie Sands ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay iskaashiga ATMIS iyo taageerada Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay caqabadaha guud, iyo ujeeddooyinka guud. Waxaan eegnay hanti kala duwan oo aan isticmaali karno. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay qaabka ay u dhici karto taageerada Soomaaliya, guusha laga gaaray taageerada ATMIS ee Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaana dib u xaqiijinay goaamadayada,” ayuu yiri Rear Admiral Sands.

Dowladda Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ay bixineysay kaalmo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin dhanka saadka, iyo taageerada dhaqaale ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Comments are closed