|

Guddoomiyiha Komishanka Somaliland oo ka hor yimi xilka qaad lagu sameeyay

Hargeysa (QJ) – Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Cabdirashid Riyo raac oo saaka xilkaa laga qaaday ayaa sheegay in uu weli isagu yahay Guddoomiye.

Shan xubnood oo ka mid ah guddidda doorashooyinka ayaa saaka shaaciyay in ay xilkii ka qaadeen Riyo Raac ayna Doorteen Kaltuun Cabdi.

War lagu faafiyay boga Gudddida isla markaana loo qeybiyay saxaafada ayaa arintaa lagu shaaciyay.

Saacadi ka dibna waxa soo baxday in Riyo Raac warkaa beeniyay isla markaana boga guddida Doorashada laga saaray doorashada Kaltuun Cabdi.

Ilaa iinka ma kala cada cida ah Guddoomiyaha dhabta ah ee Guddida doorashooyinka Somaliland.

Waxaana arintani imaneysa xili dalka ay ka jirto khilaaf hareeyay xilga doorashooyinka madaxtooyada oo madaxweynuhu sheegay in aan la qabaneyn inta laga dooranayo xisbiyo cusub.

Goaanka Madaxweyne Biixi ayaa baal marsan heshiisyada iyo shuruucad adoorashooyinka oo sheegaya in Doorashada Madaxtooyadu ka soo horeyso ta xisbiyada, oo labaduba dhacaya sanadkan dhamaadkiisa.

 

Comments are closed