|

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii qulqulaya xerada Afisiyooni

Mogadisho (QJ) -Tirada xildhibaanada gaaraya xerada Afisiyooni ee loogu balanshan yahay doorashada gudoonka Baarlamaanka 11aad ee Soomalaiya ayaa sii kordheysa.

Xildhibaanad ayaa la sheegay in ay galabta ilaa fiidkii caawa ay halkaa gaareen ka dib kolkii meesha laga saaray caqabad amni oo la sheegay in ay jirtay.

Xildhibaanada ayaase la soo sheegayaa in ay ku kala qeybsan yihiin ka qeybqaadashada doorashada shirgudoonka baarlamaanka xildhabaanadii dhawaan lagu soo kala doortay Degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbaharey.

Madaxda sare ee Soomaaliya ayaa dhankooda arinkan ku kala qeybsan.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada doorashada ayaan weli la hubin suurtagalnimadeeda iyo cida ka qeybqaadaneysa.

 

Comments are closed