Muqdisho Feb 13 2013 (SDN)— Alaha u Naxariistee waxaa maanta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku geeriyooday Sheikh Maxamed Yuusuf Xeefoow gudoomiyihii Golaha fulinta ururka ahlu Sunna.
Geerida Sheikh Yuusuf Xeefoow ayaa timid ka dib xanuun kusoo booday kaasi oo markii dambe sababay inuu u geeritoodo.
Sida la tilmaamay waxaa loola soo carary maagalada Muqdisho markii xanuunka uu haleelay iyadoo la dhigay is bitaal ku yaala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho halkaas oo xaalkiisa caafimaad lagula tacaalayay .
Warar ayaa sheegay inuu u geeriyooday Cudurka Sokorta wallow aan warkaasi aan si dhab ah loo xaqiijinn .
Guddoomiyaha ayaa la tuhun sanyahay in uu ka xanaaqay howsha ay Xildhabaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya kawadaan gobolka Galgaduu isagoo ku amray shalay in ay kabaxana deegaana ay Ahlu Sunna ka taliyaan.
SDN-Muqdisho
