|

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo Sheegay in Somaliland aanay u Dulqaadan Doonin Farogelin lagu Sameeyo Xudduudkeeda DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Maanta ka hadlay Dagaalkii ka dhacay deegaanka Tuko raq ee Gobolka Sool Waxaanu eedayn balaadhan Ciidamadda Maamul goboleedka Somaliyeed ee Punt Land .

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Waax uu sheegay in Ciidamadda Qaranka Somaliland iyagoo gudanaya Waajibaadka saaran ay gaadheen Deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool waxaanu Xusay in Ciidanka Qaranka ay soo Weerareen kuwa Punt land.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladdu Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu Xusay in Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Punt land uu daandaansi Colaadeed ka wado deegaamada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu intaas ku daray in aanay Somaliland u dul qaadan doonin farogelin lagu sameeyo xudduudaheeda.

Comments are closed