|

Suldaanka Guud Ee Beesha Awdal Oo Ka Hadlay Dagaalkii TUKARAQ Iyo Gardarrada Soomaaliya DAAWO

Hargaysa 09. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaanka guud ee Beelaha Gobolka AWDAL ee Somaliland Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, ayaa si adag uga hadlay Faro-gelin qaawan oo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-gobolleedka Puntland oo is-bahaysanayaa ku hayaan Somaliland.

Suldaan Saleebaan wuxuu ka hadlay Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo Ciidammada Qaranku ka qabsadeen Ciidamo u joogay Puntland, dagaalkaas oo uu sheegay inuu ka dhashay Gar-darro lagu hayo Somaliland.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo Kontonkii Sannadood ee u dambeeyay ahaa Suldaan, ayaa Shir-jaraa’id oo uu qabtay kaga warramay Taariikh dheer oo la xidhiidha dhibaatada ka taagan Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo xusay in wanaagsan tahay in Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Gobollada Sool iyo Sanaag-bari ee ay Haybta wadaagaan Dadka Puntland ay dhinac uun iskugu Lugo-dudaan, maaddaama oo sheegashada Puntland ee Dhulkaasi salka ku hayso Haybta Dadka halkaa deggan.

Comments are closed