|

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo Digniintii Ugu Cuslayd u Diray Shaqaalaha Dawlada Si aanay ugu Milmin Loolanka Xisbiyada

Hargaysa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen guddida sare ee hay’adda shaqaalaha iyo la-taliyeyaashooda sharci ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada la hadlay gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Sharmaake Axmed Muxumed Geelle isagoona dardaaran, dardargalin iyo digniin ba u kala diray guud ahaanba shaqaalaha dawlada kuwaas oo ku aadan bilowga ololaha doorashada ee kaabiga inagu soo haya.

Gudoomiye Sharmaake ayaa xusay in xiligan iyo xaaladanba ay lagama maarmaan tahay in feejignaan iyo fiirodheer ay ku eegayaan guud ahaanba shaqaalaha dawlada si looga ilaaliyo in ay ku milmaam ama xubin fir-fircoon ka noqdaan dhaq-dhaqaaqyada xisbiyada kala duwan ay guclo orodka ugu jiraan hanashada

 

kursiga dalka ugu sareeya taasi oo hadii ay dhacdo qaranka oo dhan ka dhigaysa mid mashquulsan meeshana ay ka baxayaan adeegyo muhiim u ah ummada

 

Gudoomiyaha ayaa shirkiisan jaraa’id ku yidhi “

 

–    Aniga oo tix-raacaya Sharciga  shaqaalaha dawladda  SHARCI LAM.7/96 Qodobkiisa 6aad  faqradii 2aad

 

–    Aniga  qiimaynaya wareegtadii Madaxweynaha JSL  ee sumadeedu ahayd JSL/P/WM/ -50 /092017

 

Kuwaas oo dhamaantood  si cad uga saaraya shaqaalaha dawladu in ay xubin firfircoon ka noqdaan xisbi siyasadeed  ama dhaqdhaqaaq siyaasadeed  isla markaana banaanka ka dhigaya in ay sinaba ugu milmi karaan siyaasada ayaa waxaan halkan fariin uga dirayaa guud ahaanba shaqaalaha dawlada waxaanan leeyahay Adeege: sinaba looma ogola gododlaynta, laba-gardaaqa iyo laba geed gurashada oo ama waxaad noqon siyaasi u  ban baxa  hankiisa siyaasiga ah ama adeege umadeed oo dadku u siman yihiin

 

Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa bayaamiyey hannaanka loo marayo anshax marinta  shaqaalaha dawladeed ee arintaas ka baydha waxaanu u kala saaray anshax marin degdeg ah iyo mid digniin ka horayso waxaanu yidhi:

 

1-      Hadii xisbi magacaabo xubin ama lagu helo in uu golaha dhexe ee xisbi ku jiro, si toos ah ayaa shaqada looga saaraya isagoona hal doorasho la siinayo shaqaalaha oo ah “ in uu magacowgaas ku qanacsan yahay iyo in uu rabo in kasii mid  ahaado shaqaalaha dawlada” isagoona iska casliyaa  markaa kaalinta loo magacaabay

 

2-      Hadii lagu helo qaab kasta oo ololayn ah sida: astaan ama calan xisbi, ka qayb-gal shir daalacan ama mid doceed , waxaa marka hore la siinayaa digniin kaba dambays ah hadii mar kale lagu helana waa shaqo ka saaris

 

Sidoo kale gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa m arkii ugu horaysay  si kulul uga hadlay agaasimeyaasha guud ee dalka isagoona sheegay in agaasimaha guud yahay shaqaale ay tahayna  in uu shaqadiisa qaran ku eekaado hadii uu ka soo gudbo xayn-daabkaasna marka hore ay digniin u dirayaan hadi uu kasoo gudbana ay Madaxweyanaha si rasmi ah ugu gudbin doonnaan in uu anshax marin kaga saaro shaqada qaranka

 

Ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa xusay in si xoog badan ay u fulin doonnaan xeerarka dalka isla markaana balan qaaday in wareegtadii madaxweynuhu aanay dhul u dhacayn ee tallaabooyin ad adag xigi doonnaan

 

Gaba-gabadii  gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha ayaa magacaabay guddi uu ugu magac daray “GUDDIDA DABA-GALKA IYO  ILAALINTA  SHAQAALAHA DAWLADA  EE KU MILANKA SIYAASADA” waxaanu u magaacabay:

 

–          Cabdikariin Maxamed Daaud  “Gudoomiye”

 

–          Cabdiqani Saleebaan Jaamac   “Xoghaye”

 

–          Cumar Xaji Siciid Cabdilaahim   “La-taliye”

 

–          Iyo gudoomiyhiii hore ee Maxkamada sare ee JSL  Mudane  Siciid Faarax Axmed

 

Isku soo wada duuboo tallaabadan ayaa noqonaysa midi ugu horaysay ee hay’adda shaqaalaha dawladu si dhiiran u soo saarto isla markaana xayn-daab u noqon doonta shaqaalaha dalwada , qarankana ka dhigi doonta mid aan dhamaantii ku mashquulin doorasho ee nolol maalmeedka adeeg sidiisa u socon karo,w axaanay noqon doona go’aan lagu diirsado.

Comments are closed