|

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi ka Dhacday Iyo Nuxurka Khudbad uu Shacabkiisa u Jeediyey DAAWO

Nairobi 12. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kiiniya Mr: Uhuru Kenyatta  oo markii labaad ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka qabsoontay bishan sideedii ayaa markii u horaysay khudbad gaaban oo inta badan mahad naq ah u jeediyey dadweynaha dalkaasi gaar ahaan taageerayaashiisa.

Hase ahaatee, Uhuru Kenyatta  waxa uu khudbadiisa ku xusay in uu madaxweyne u yahay dalka Kiiniya oo dhan oo ka kooban mid u codeeyey iyo mid aan u codayn, taas oo loo baahan yahay in waqtigan laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, isla markaana la ilaawo xamaasadii iyo dacaayadii ololaha.

 

Geesta kale, Mr: Uhuru Kenyatta waxa uu ka dalbaday saraakiisha mucaaridka in ay kulan yeeshaan, isagoo xusay in uu gacan u fidinayo si ay uga wado shaqeeyaan midnimada iyo amniga dalka, inkastoo ay saraakiisha mucaaridku ku dhawaaqeen in ayna aqoonsanayn madaxtinimada Uhuuru ee ay tahay mid ku shbasho ku timid.

Comments are closed