|

Gudoomiye Cirro oo Sheegay in Masuuliyiin Xukkuumadda & Kulmiey Ka Tirsan uu Ku Caddaaday Kiiska Wiil Dila lagu Dilay, Kana Hadlay Qodobbo Xiiso leh DAAWO

Boorama 23. September 2017 (SDN/QJ):-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxmaed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay cidda iska leh Masuuliyadda Wiil Dhalinyaro ah oo Dorraad Ciidammada Ammaanku ku toogteen degmada Dila ee gobolka Awdal, halkaas oo lagu soo dhawaynayey Wefti uu Cirro hoggaaminayey.

Cirro waxa uu sheegay in Masuuliyiinta degmada Dila ee dawladda Hoose ka dambeeyeen Dilka Wiilkaas oo uu Qoyskooda iyo Shacabka reer Dila ee uu ka baxay Tacsi u diray, waxaanu sheegay in Masuuliyiintaas iyo Siyaasiyiin Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda ah oo Hargeysa joogaa leeyihiin Masuuliyadda Dilkaas. Waxa kale oo uu ka hadlay isku dhaca Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, ee sababay inay Oromadu xasuuqdo Dad Soomaali ah oo Shaqooyin u joogay degaanka Hawadaay ee Ismaamulka Oromada.

Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro oo Xalay Khudbad ka jeediyey Xaflad Xisbiga Waddani ku soo dhaweeyey Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ku biiray, waxaanu sheegay in dhibaatada Sicir-bararka Somaliland aafaysay Xukuumadda Kulmiye Masuul ka tahay, waxa uu sheegay inuu Macallimiinta Dawladda u shaqeeya iyo Shaqaalaha kale Daryeel Lacageed iyo Xusuuq Hawl-gabeed u samayn doonaan haddii Xisbiga Waddani uu talada qabto.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo kala duwan Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddain Cabdiraxmaan-Cirro oo ka hadlaya, waxaannu Hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed