|

Shiinaha oo Shaaciyey inay yaraynayaan Xidhiidhka Ganacsi ee ay la lahaayeen Kuuriyada Waqooyi

China 24. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Shiinaha ayaa ka dhawaajiyey inay xadidayaan xidhiidhkii Ganacsi ee ay la lahaayeen dalka Kuuriyada woqooyi iyaga oo fulinaya Qaraarkii Golaha amaanku xayiraada dhaqaale ku saaray dalkaasi.

Wasaaradda Ganacsiga dalka shiinaha ayaa waxay sheegtay inay joojin doonaan dharkii looga iib keeni jirey Kuuriyada woqooyi, sidoo kalena ay xadidi doonaan Ganacsigii dhinaca shidaalka iyo gaaska dabiiciga laga bilaabo horaanta bisha Oktoobat ee inagu soo aadan.

Joojinta Ganacsiga dharka ee kuuriyada woqooyi la lahayd dalka shiinaha ayaa waxay ku keenaysaa dhibaato iyo Culays dhinaca dhaqaalaha  ka soo wajaha.

Tallaabadan shiinuhu qaaday ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii Qaramada midoobay Cunaqabatayn Cusub ay ku soo rogtay kuuriyada woqooyi tijaabooyinkii Gantaalaha ee ay dhawaanahan samaysay dartood.

Comments are closed