|

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si Qaawan Madal loo dhamaa u Aflagaadeeyay Gudoomiye Cirro ,Nuxurka Weedhihii dhex maray Iyo Amakagii Madaxwayne Siilaanyo

Hargaysa 30 , June , 2016 – (SDN/QJ):- Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Warabe ayaa aflagaadeeyay Guddomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddomiyaha Xisbiga Waddani Md:Cabdirxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

FAYSALIYO-CIROGuddomiye Faysal Cali Warabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro oo labadooduba doraad ka wada qayb galay kulan uu Madaxwayne Siilaanyo Isugu Yeedhay Saddexda Xisbi Qaran iyo Shirguddonka Golaha Wakiilada ayaa cay iyo aflagaado hadhaysay kulankaasi kadib markii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Cay qaawan ku ganay Cabdiraxmaan Cirro Isagoo ku Tiraabay Weedho ay ka Mid ahaayeen ”Madaxwayne Ma ninkan 3 Million ee Dollar ee Golaha Wakiiladu leeyahay maalin walba ku dhoofaya isaga iyo xaaskiisu ayaad dalka ku eegaysaa ..”Faysal  ayaa intaasi sii raaciyay “Nacasyahaw Nacasku Dhalay anigaa wax kaa dhigay ee yaa ku yaqaanay ..”ayuu ku weeraray Faysal Cabdiraxmaan Cirro .

Gudoomiye C.raxmaan Cirro ayaa la sheegay inuu dhankiisa ku tirtirsiyey Gudoomiye Faysal inuu Xisbigiisa Khilaafka ka taagan Soo Xaliyo inta uu Qof kale Wax ka sheegayo Taas oo Kor u qaaday Cadhadii Gudoomiye Faysal.


Muuqaal la baahiyey ayaa muujiyey in Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo uu Faysal faraha fiiq fiiqayo iyo gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo Cabdiraxmaan Cirro la hadlaya isla markaana dhanka midig ka maray.

Gudoomiyeyaasha Sadexda XisbiFaysal ayaa sitay hangoolkiisa uu ku caan baxay marxaladan oo kale faro laab isku badali kara. Waxana uu ku yidhi cirro “durug oo midigta…. ilal yamiin” Muuse Biixi ayaa kala dhex galay oo si waayeelnimo leh u yidhi “isa sima istawuu”

 

Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hore qalaalse muran oo ka dhashay laba garab oo xisbiga UCID u kala jabay keentay inay maxkamad isla galeen, iyadoo aakhirkii xisbiga loo xukumay gudoomiye garabkii uu hogaaminayey Faysal Cali Waraabe.

 

Yooyootanka labada gudoomiye ayaa u muuqda kuwo wali soo mir kicinaya uurku taalooyin hore u dhex maray, iyadda oo xiligana la filaayo inay Somaliland ka dhacaan doorashooyinka, in kasta oo xisbiga UCID uu wali ku jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka sare, taagan yahayna halkii cirro kaga wareegay markii muranku soo kala dhex galay isaga iyo saaxiibkiisi siyaasada ee faysal.

Intaasi kadib ayaa kulanku isu badalay Fawdo iyadoo Guddomiye Muuse Biixi ku guntaday in uu laba dible u qabto faysal oo diyaar  u ahaa inuu dagaal toosa ku qaado Cabdiraxmaan Cirro .

Madaxwayne Siilaanyo oo madasha Fadhiyay ayaa ugu baaqay labada Guddomiye inay is dajiyaan dagaalkana joojiyaan sidaasina waxa ku soo gabagaboobay Dagaal aan waxba laysula hadhin oo dhex maray Faysal iyo Cirro.

Comments are closed