|

Gudoomiye Faysal oo Hadal Laba Macne Sameeyay ka dhex Jeediyay Qasriga Madaxtooyada,Yaa loo Fasiray? DAAWO

Hargaysa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Ali Waraabe oo ayaa hadal laba Macne Samaynaya Waxa uu ka jeediyay Qasriga Madaxtooyada kadib markii ay soo dhamaysteen Kulan ay Hogaanka Sadexda Xisbi la lahaayeen Madaxweyne Siilaanyo oo ay Ku Wareejiyeen Go’aan ka gaadhista Qadiyada Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiiladda.
Gudoomiye Faysal Waxa uu Sheegay in aan la Waayin Xal lagu furdaamiyo Saami Qaybsiga laakiinse la waayay Xiniinyihii ku dhici lahaa oo loo Fasiran karo in Hogaanka Qaranku aanu daacad ka ahayn Xalka.
Sidoo kale Eng Faysal Ali Warabe Waxa ka soo Yeedhay Weedho loo Turjumay inuu ula jeedo Gudoomiye C.raxmaan Cirro Isagoo duur xulkiisa ku sheegay in aanu qarankani u baahnayn nin aan Go’aan iyo Geesinimo lahayn Isla markaana uu u soo jeediyay in Shakhsigaasi uu iska Ganacsado oo Bakhaar iska furto.

Comments are closed