|

SAWIRRO: Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo goordhaw si rasmi ah uga furmay Muqdisho

Muqdisho,3,8,2016 (QJ/SDN) – Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayo Hanaanka Doorashada dalka dhawaan ka dhaceysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw si rasmi ah shirkan u furay, waxaana ka qeyb galaya Madaxda sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka .

Shirkan oo la sheegay in uu yahay kii ugu dambeeyay ee yeelanayaan Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa looga arinsanaa dib u dhaca laga yaabo in uu ku yimaado doorashadii lagu waday in Agoosto ay dhacdo.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay kuwaa oo iyana aragtidooda ka dhiiban doona hanaanka Doorashada u dhaceyso iyo waliba waqtiga rasmiga ah ay doorashooyinka dhacayaan.







Comments are closed