|

Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dalbaday inuu Talaabo Ka Qaado Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu Ku eedeeyay Musuq Maasuq Iyo Dulucda Dacwad Xisbigoodu Ka Gudbiyey DAAWO

Boorama 30. January 2018 (SDN/QJ):-Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid oo Magaaladda Boorama Saxaafada kula hadlay ayaa Mar kale ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafintu inay wadaan Musuq Maasuq baahsan.

Waxa uu sheegay in Xisbiga Ucid ay u yimaadeen dhallinyaro kala duwan oo ka Cabanaysa Telefishanka Qaranka oo ay ka Shaqeeyaan,Waxaanu xusay in Cabatinka Dhallinyaradani uu ku qotomo in Xaq daro lagu hayo,in Badhkood ay ku shaqeeyaan Mushahar la’aan,in Marka ay Telefishanka Shaqo ka doonaan Lagu yidhaa Soo iibsada Kaamaradaha .

Waxa uu Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid Xusay inuu hore u sheegay in Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiir ku Xigeenkuba ay Yihiin niman Sharafleh oo Xilka ku cusub Hasa yeeshee waxa uu sheegay in Cida laga Cabanayay uu Yahay Agaasimaha Maamulka Iyo Xisbaadka ee Wasaaradda Warfaafinta isla markaana ay ka dalbadeen in Hanti dhawrka Guud ee Qaranku uu baadhis ku sameeyo Mas’uulkan taas oo sida uu yidhi aan dhicin.

Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Ucid waxa uu Sheegay in Agaasimaha Maamulka ee Wasaaradda Warfaafintu uu Bilaabay in Shabakado laga leeyahay Dalka Somalia uu ka dalbaday inay soo Aflagaadeeyaan soona caayaan Gudoomiyaha Xisbiga,Ku Xigeenkiisa iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga Ucid Isla Markaana ay yahaan cadaymaheedii Taas oo ay u Gudbiyeen Laanta denbi baadhista Ciidanka Booliska ee C.I.D.

Comments are closed