|

Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Aqalka oo goordhaw la doortay

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu doortay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ay ku tartamayeen ilaa 7- Musharax oo katirsan Aqalka sare.

Doorashada oo aheed mid iyana adag ayaa gaartay ilaa sadex wareeg, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray labo Musharax kadib markii Musharaxiintii kale ay ku hareen labadii wareeg ee kale.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ayaa waxaa ku guuleestay Xildhibaan Mowliid Xuseen Ghaad oo helay codad gaaraya 28-cod halka Xildhibaan C/Kaafi Macalin Xasan uu isna helay codad gaaraya 24.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa maanta si rasmi ah u doortay Gudoonkooda rasmiga ah, waxaana la filayaa Xildhibaanada labada Aqal in ay doortaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed