|

War Deg Deg Ah : Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Aqalka sare oo hada la doortay

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa hada xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay tirinta Codadka wareegii ugu dambeeyay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya .

Doorashada kursigan oo aheed mid aad u adkeed wareeg sedexaadna loo gudbay ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo helay 30 halka Musharaxa Dhag dheer uu helay 22-cod

Waxaa goordhaw sidoo kale la filayaa Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarkamaanka Federaalka Soomaaliya ay doortaan Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare , waxaana kursigaasi ku tartamaya 7-Musharax.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha doorashada Gudoonka Aqalka sare kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Comments are closed