Hargaysa 10. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay aragtida Xisbigooda iyo Xukuumadiisu aaminsan Yihiin ee Ku Saabsan Qaybinta Kaadhka Codbixiyaha iyo In Doorashadu Xiligeedii Ku dhaco.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Hadalkan ka Jeediyey Kulan ay Murashixiinta Sadexda Xisbi Maanta ku Yeesheen Xarunta Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ee Magaalada Hargaysa.
