Hargaysa 06.Oct 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,ayaa markii ugu horaysay waxa uu si rasmi ah u qirtay hadal uu yidhi Sannadkii 1994-kii isaga oo markaas ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Maxamed X. Ibraahim Cigaal,kaas oo ah hal-ku-dhig barmadaw ku noqday Saaxadiisa Siyaasadeed ee ee Wakhti Xaadirkan isla-markaasna Laf dhuun gashay ku noqotay.

Gudoomiyaha oo habeenkii xalay Su’aalo Toos ah lagu weydiinayay Barnaamij uu soo qaban-qaabiyay TV-ga Af-ka Somaliga ku hadla ee HCTV,ayaa waxa ka mid ahaa Su’aalihii la weydiiyay oo uu Weydiiyay Wiil dhalinyaro ah oo Magaciisa la yidhaahdo Cabdiwahaab Xasan Ismaaciil,sida tan: S: “ Gudoomiye,maadama aad doonayso inaad Somaliland hogaamiso,qeybka Shacabka Somaliland ka mid ahina ay ay waxyaabo badan kaa tabanayaa,kuwaas oo aad beri cod ka rabto,Waxaad tidhi 1994-kii addiga oo Wasiirka arrimaha Gudaha ah “Anniga oo wax dili kara,Duco Qaadan maayee,Dabci Qorigu hay jaro”.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxa uu si cad u u qirtay Inuu Kelmaddaas yidhi,balse waxa uu intaas raaciyay in Ujeedada hadal iyo Cidda uu ku socdayba la bedelay,Isagoo eeda Amuurtaasna isaga riixay Masuul ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ah Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (CUKUSE),Waxaana uu intaas raaciyay inuu Hadalkaas ula jeeday Cadawga Somaliland oo uu ku tilmaamay inay Somaliya ahayd.
Hadalkan kasoo yeedhay Gudoomiyaha ayaa laga yaabaa inuu samayn taban oo toos ah ku yeelan karo Hammigiisa Siyaasadeed,isaga oo sida Jawaabtiisa ka muuqta ku andacooday in aan hadalka cid uu ula jeeday aanay ahayn reer Somaliland,inkasta oo la wada xasuusan yahay in aanu Wakhtigaas jirin Dagaal ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya,balse uu Dalka ka taagnaa Dagaal Sokeeye oo u dhexeeyay Beelo Walaalo ah.
Muuqaalkani Waa ka dhaliyey Qirashada Gudoomiye Muuse Biixi inuu Shaaciyo.
https://www.youtube.com/watch?v=jLviWB8OlF8
