|

“Haddaynu KULMYE Nahay Waxaynu Ogolnahay Tartan Xalaal Ah, Xisbiyada Qaranka Ee Aynu Tartamayno Waxaynu Ka Ogolnahay Tartan Xalaal Waxa Innaga Reebban Cayda, Aflagaadada Iyo Xisbi Kale Wax Ka Sheega..’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Xadhiga ka Jaray Xafiiska Xisbiga Kulmiye ku Yeelanayo Bariga Magaaladda Hargaysa.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u sharraxay ahdaafta iyo mabaad’iida guud ee xisbiga KULMIYE leeyahay, kuwaas oo ay taageerayaashu ka midaysanyihiin, waxaannu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu leeyahay tiirar iyo mabaad’i heshiis lagu wadayahay, dadkuna markay ay xisbiga gelayaan waxa ay ku heshiiyaan mabaad’ii, waxaana ka mid ah in lagu wada dhaqmo diinteena Islaamka, tiirka labaad ee KULMIYE ku heshiiska yahayna waa qaranimada Somaliland oo ah lama-taabtaan oo hadal iyo gorgortan ma gasho, in laga midho dhaliyo oo adduunka ictiraaf looga helaana waa hiigsigeena labaad ee aynu heshiiska ku nahay, ta afraad waa in dalka lagu maamulo sharci, caddaalad waxa la gaadhi karaa in wixii dadku ku heshiiyey ee sharci ah iyo in wixii diintu ina fartay in aynu ku dadaalno boqolkiiba 100% in aynu hirgelino. Waxa inoo yaal dhibaatooyinka ina haysta in aynu la dagaalno, dhibaatooyinka oo ah kuwo bulsho, qaar cimileed, maamul, dhaqaale.”

“Sida aynu waxaas u gaadhaynaana waa is aaminaad, isku kalsooni, wax wada qabasho iyo hawl, dadkuna haddii aanay hawlgelin oo aanay muruq iyo maskax hawlgelinin meel ma gaadhayaan, waana wax kale oo aynu ku shuraakoobayno haddii aynu xisbiga KULMIYE nahay,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu muujiyey inuu xisbiga KULMIYE yahay ruug-caddaa siyaasadda ku gaamuray oo waayo-aragnimo badan dheer axsaabta kale ee la tartamaysa, isla markaana uu diyaar u yahay inuu galo doorasho xalaal ah oo ay ka madhan tahay cay iyo aflagaado, “Haddaynu KULMYE nahay waxaynu ogolnahay tartan xalaal ah, xisbiyada qaranka ee aynu tartamayno waxaynu ka ogolnahay tartan xalaal ah oo heer qaran ah oo aynu ku doodayno dalka waxaas ayaanu u qabanaynaa iyo waxaas ayaanu u qabanaynaa, KULMIYE waxa innaga reebban cayda, aflagaadada iyo xisbi kale wax ka sheegga ama bulshada kaleba, waayo umaynaa furan xisbiga in aynu xisbiyada kale cayno, madaxda xisbiyada kale waynu ixtiraamaynaa oo rag wada muddo-kar ah oo xisbiyo qaran, waxaynu ku loollamaynaa tabtii iyo waddadii dalku ku horumari lahaa annagaa hayna iyo annagaa hayna, waanu ka waayo-aragsanahay oo 15-jir baanu nahay, mucaarid iyo muxaafidba waanu soo marnay, hawlo badan oo ka horreeyeyna waanu soo marnay, dhibaatooyinkii aynu soo marnay waanu ka baydhaynaa, laakiin ninka cusubi dhibaatooyinkii aannu soo marnay buu ku dhacayaa iminka ileyn waayo-arag maahee,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi.

 

Comments are closed