|

“Madaxweyne, Waxaan Markhaati Ka Ahay Hirgelintaada Haybadda Ciidamada Qalabka Sidaa Inay Kuu Tahay Astaan Kuugu Xardhan Baalka Taariikhdaada……” Xoghayaha Cadaaladda WADDANI

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku amaanay tabaca uu geliyey Ciidammada kala duwan ee Qalabka sida.

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga WADDANI oo hore u ahaa La Taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu Xalay ku baahiyey Internet-ka ku sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Siyaasadda ee Madaxweyne Siilaanyo, sidaa darteed uu ka markhaati kacayo waxqabadkiisa wanaagsan ee Taariikhda u gelaya.

Barkhad ayaa qoraalkiisa ku sheegay sidan “Mudane, Madaxweyne, si kasta oo aan u saluugsanahay hannaankaaga maamul, haddana waxaan markhaati ka ahay hirgalinta hub-qaadka iyo haybadda dawladnimo ee ciidamada qalabka sida, inay kuu tahay astaan kuugu xardhan baalka taariikhdaada daleed, dadkuna xus, xurmo iyo xasuus kugu hayn-doonaan.”

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI waxa kale oo uu Qoraalkaaga ku sheegay, “Madaxweyne, waxaan ka mid ahaa Ardeyda ku jirtay Kulliyaddaadii siyaasadda, waxaanan jecelahay waxay ku Qurux-badnaanayso Sooyaalkaaga taariikheed, waxaa jira hagardaamooyin Maamul oo badan oo ka dhacay dalka muddo xileedkaaga, waxaas’e hal-xidheele kugu ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo dib u dhacyadii ku yimid qabsoomidda doorashadu boogo xanuun badan ku noqdeen taarikhdaada..”Waxaan jecelahay inaad fogeyso oo fiiro gaar ah u.yeelato kuwa boodaanta ku rida Qofnimadaada iyo qiimaha aad Qaranka ku leedahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne, Ardey kasta sharafta macalinkiisa wuu jecel yahay. Markaa Macno ayay ii samaynaysa inaan Qabashada Doorashada ku afmeerto Muddo xileedkaaga”.

Comments are closed