|

“Haddii sidan ay ku sii socoto oo la isku joojin waayo waxaanu si toos ah umadda ugu sheegi doonnaa cidda awooda dalka Ku tagri fashay” La Taliyihii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Caddaalada ee Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi oo horena u ahaa la taliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxweynaha Somaliland, ayaa Cambaareeyay Xadhig Ciidammada Sirdoonka ee Gobolka Maroodi-jeex kula kaceen Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-bannaan ee Foore Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab iyo Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Telefiishanka Bulsho Cabdi Xasan Cabdi.

 

BARKHAD JBarkhad Jaamac Xirsi waxa uu sheegay inay sharci daro tahay in Suxufiyiinta waaran la’aan suuqa laga qabto oo la xidho, hasa-yeeshee haddii Xukuumaddu ka dhago-adeygto baaqyada Bulshada isla-markaana sharciyadda Dalka la dhowri waayo uu soo bandhigi doono Cidda ku takri-faleysa Awoodda Dawladnimada.

 

Xoghayaha Cadaaladda WADDANI oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxaan aad uga xumahay oo ayaan darro iyo laf jab Qaran ah in suuqa dhexdiisa laga qafaasho Muwaadiniin suxufiyiin ah, kuwaas oo sabab loo qafaashay aaney jirin iyadoo la sheegay in ciidamada siroodnku qafaasheen. Goormay Sirdoonkuna awoodda xadhigga yeeshaan?. Waa astaan daliil u ah habowga dawladnimo ee dalkan ku habsaday. Qofka Suxufiga ahi wuxuu leeyahay xuquuq qoraal oo u dadka ugu soo tabin karo dhacdooyinka maalin laha ah, waxaana reeban inuu qalinka suxufigu noqdo mid lagu xalaashado ceebeynta madaxda iyo masuuliyiinta dalka. Haddii labadan suxufi lagu haysto war waxaa haboon in xadhigooda loo maro sifo sharciga waafaqsan oo Maxkamad sharci ah laga soo dacweeyo kadibna ay noqdaan eedeysanayaal markay helaan samanka dacwadda loo haysto, kadibna ay jawaab celin sameeyaan lana muddeeyo dhageysiga gar-maqalka dacwadda labada dhinac haddii dembi lagu helana lagu ciqaabo, haddii lagu waayana xorriyaddooda loo celiyo.”

 

Barkhad Jaamac Xirsi waxa kale oo uu sheegay, “Qaacido sharci ah ayaa leh qof kastaa waa xor xaqna xadhig looguma laha ilaa dembigiisa Maxkamad Ku hesho. Tani waxay daliil u tahay xadgudubka lagu sameynayo Madaxbannaanida waaxda Garsoorka dalka waana in Guddoomiyaha Maxkamadda sare xorriyaddoodii labadaa suxufi dib ugu celiyaa kadibna cidda eed u haysaa dacwad ku soo oogto iyagoo xor ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddii sidan ay ku sii socoto oo la isku joojin waayo oo sharciga dalka la ixtiraami waayo waxaanu si toos ah umadda ugu sheegi doonnaa cidda awooda dalka Ku tagri fashay dalkana maanta dhibta ku haysa.”

Comments are closed