|

Wargeyska The National Business Oo Sheegay In Noqotay  Dalkii 8-aad Ee Afrikaan Ah  Ee Ay Ka Hawl-gasho DP World

Hargeysa 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wargeyska The National Business oo ka soo baxa dalka isku taga imaaraadka carabta, ayaa shalay warbixin ka qoray heshiiska is-faham ee lagu casriyaynayo marsadda Berbera oo lagu wado inay noqoto marin ganacsi iyo dekad caalamiya oo ay horaantii bishan May 2016 kala saxeexdeen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka UAE.

 

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

The National Business, waxa uu heshiiskan oo la isku dubo-ridi doono bisha July ee fooda innagu soo haysa rasmi ahaan uu ku sifeeyay mid isu sii  furaya shirkadda DP World iyo qaaradda Afrika.

Sida aanu ka soo xiganay Wargayska Afka Dawlada ku hadla ee Dawan Waxay Warbixintu u dhignayd Sidan :-   “Shirkadda dekadaha ka shaqeysa ee DP World ayaa ku qanacsan shaqooyinka ay ka hayso Afrika oo ay ku sii fidayso qaaradda, iyadoo heshiis la gashay Somaliland oo ku taalla barriga Afrika.

 

“Waxaan ku faraxsan  nahay hawlaha aanu ka hayno Afrika oo aan aaminsan nahay inay ahmiyad  weyn leedahay,”ayuu u sheegay Guddoomiyaha DP World  Mr. Sultan bin Sulayem  wargeyska The National Business,  mudadii uu ku gudo-jiray socdaalkiisii u horeeyay ee uu ku tagay Somaliland todobaadkii hore, waxaanu intaas raaciyay “Sababta aanu u tagayno Afrika waxay tahay inaanu helay aqoon iyo waayo-aragnimo oo ah laba qoddob oo tusmeeya guusha.”

 

Bishan May shirkadda  DP World waxay la saxeexatay dawladda Somaliland heshiis ay ku baxayso adduun dhan  US US$442 Milyan, si loo  taabo-geliyo  ganacsiga mandaqadda iyo inay marsadda Berbera noqoto marin gobolleed caalamiya. Mashruucan waxa kale oo ku jira in la helo suuq ganacsi (free zone). Heshiiskan waxa uu u dhacay hanaan  dawladeed oo  is faham ku dhex maray  xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo imaaradda Dubia oo xoojinaya iskaashiga wax wada qabsigooda.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland  Mr. Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in heshiiska Dekadda la isku dubo-ridi doono dhammaystirkiisa Bisha July ee fooda Innagu soo haysa. “Heshiiskani waxa uu bog cusub u furi doonaa inay Somaliland hesho maalgashiga shisheeyaha. Heshiiskani waxa uu sare u kordhinayaa  fursadaha shaqo abuur ee dhalinyarrada dalkayaga,”ayuu yidhi Wasiirku.

DP World waxay ka shaqeysaa  dalalka Senegal, Egypt, Mozambique, Djibouti iyo Algeria, iyadoo ka shaqaaleysiisay in ka badan 3,600 oo qof, waxaanay  illaa shantii sannadood ee la soo dhaafay   ku kharashgareysay $1 Bilyan oo Doolar dekadahaas.

Dekedda Berbera waxay noqonaysaa marsaddii sideedaad ee DP World ka hawl-gasho marka uu dhammaystirmo heshiiskeedu.Guddoomiyaha DP World Mr bin Sulayem, waxa uu sheegay in dekedda Berbera ay Itoobiya u  noqon doonto marinka suuqeeda  gananacsiga oo xilligan ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu sida deg-dega ah   u korayo ee adduunka.

“Waxaan ka codsaday kulan Raysal wasaaraha Itoobiya sannadkii hore, sababtoo ah waxay ku dhawaaqeen qorsheyaal waaweyn,”ayuu yidhi Bin Sulayem, isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku ladhay “Markii aan la kulmay waxa uu ii sharaxay in dadkoodu aad u badan yihiin oo ay bilaabeen barnaamijyo horumarineed oo ay kor ugu qaadayaan nolosha dadkooda.”

Maalgashiga lagu  samaynayno dekadda Berbera, waxa uu kasban doonaa inay ku soo xidhaan maraakiib badan oo u socda barriga Afrika, casriyaynta dekedduna waxay suurto-gelinaysaa inuu kordho dhaqaalaha dalka (Somaliland) iyo dhaqaalaha gobolkuba,sida uu dooday Mr. Bin Sulayem.

Mr. Bin Sulayem, waxa uu sheegay adeegyadda ay kor ugu qaadayaan dhismaha dekedda Berbera aanay taageeraynin oo kaliya   adeegyadii ay ka fuliyeen  dekadda Doraleh ee Jabuuti oo ah hawlbowlaha  ganacsiga gobolka, balse ay sidoo kale badhi-taari doonto marsadda Jebel Ali ee  Dubai.

 

Wakiilka xafiiska   Somaliland  ku leedahay Dubia Mr. Baashe  Cawil Cumar, ayaa sheegay in maalgashigan loo qorsheeyay laba weji oo ka hore ay ku baxayso $230 Milyan Doolar,iyadoo $62 Milyan oo Doolar lagu fulinayo horumarinta dekeddii hore  ee Berbera oo dib loo cusboonaysiinayo, dibna loo hagaajinayo kaabeyaasheeda dhaqaalle.

Baashe Cawil, waxa kale oo uu intaas ku daray in $170 Milyan oo Doollar la gelin doono dhismaha cusub oo loogu tallo-galay in la dhigo Koontiinarrada.Lacagtan waxa 75% lagaga shaqeynayaa dekedda,halka $170 Milyan ee hadhayna in lagu maalgelin doono adeegyadda kale ee marsada, sida  meelaha doonyuhu ku xidhaan, kamaradaha, bakhaarrada iyo meelaha kale.

Comments are closed