|

Hal Askari Oo Ku Dhaawacmay Muran Dhul Oo U Dhaxeeya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Hargaysa Iyo Sallaxley

saaaaSallaxley: 30,June,2014(SDN/QJ)-Hal Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad markale Maanta dhexmaray Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka ee Hargaysa iyo Sallaxley,oo waayadanba ku Muransanaa Cidda Xaqa u leh Dhul ku yaala Agagaarka Tuuladda Toon ee Koonfurta Magaaladda Hargaysa.

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya inuu sidoo kale jiro Khasaare soo gaadhay Gaadhi ay Wateen Xildhibanada Golaha Deegaanka ee Magaaladda Sallaxley.

Dhinaca Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hragaysa,ayaa la sheegayaa inuu Hogaaminayay Gudoomiyha Degmadda Maxamuud Haybe.

Dhacdooyinka ayaa ah qaar in mudo ahba soo noqnoqonayay  Mana muuqata ilaa hadda Wax xal muuqada ah oo laga gaadhaya wax ka qabashadeeda.

Mar aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino Maayarka Magaalada Sallaxley Faahfaahinta siday wax u dhaceen,ayaanay noo suura galin.

 

SDN/QJ-Sallaxley

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed