|

Qarax Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Maanta Ka Dhacay Suuqa Kaaraan Ee Magaaladda Muqdisho

slaamMuqdisho: 30,June,2014(SDN/QJ)-Waxaa Maanta barqadii Suuqa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka dhacay qarax dhaliyay Qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad rayid ah.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Xafiis la sheegay in Suuqa Degmada Kaaraan ku leeyihiin waaxda Canshuuraha ee Degmadaasi, qaraxa ayaana dhacay xili ay Suuqa dad badan usoo dukaameesi tageen.

Inta la xaqiijiyay ilaa labo qof oo la tilmaamay in ay katirsanaayeen Ciidamada Minishiibiyada canshuuraha qaad ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay qaraxaasi in ka badan 7-qof oo u badnaa dad shacab ah.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo ka hadlay Qaraxa maanta ka dhacay Suuqa kuyaala Degmadaasi ayaa sheegay in qaraxa uu dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxa uuna tilmaamay in qaraxaaasi loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo dadka shacab ah ee Suuqaasi usoo dukaameesi tagay.

Qaraxa maanta ka dhacay Degmada Kaaraan ayaa imaanaya xili la guda galay bisha Barakeesan ee Ramadaan ,Dowlada Soomaaliya ayaana shaacisay in la diyaariyay ciidamo loogu tala galay ilaalinta nabad galyada Caasimada, kuwaa oo howlgalkooda loogu Magac daray Nabad ku afur.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed