|

Hal qof oo ku dhintay hawlgal saaka Dawladda Hoose ee Hargeysa ay fullisay iyo masuuliyiinteeda oo aan ka hadal

Hargeysa, 29, February 2012 (SDN)- Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ayaa maanta ku waaberiisatay ganacsatada yar yar ee suuqa ee badhtamaha magaalada, halkaasoo ay ka fuillisay hawlgal dumisay sandaqado, iyo miisaska bacadyaalka ah ee lagu iibiyo badeecadaha kala duwan.

Hawl-galkan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur) iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, waxa si xoogan uga qayb qaatay hawlwadeennada dawladda Hoose ee Hargeysa iyo ciidanka Booliska, waxaanay dumiyeen sandaqadihii iyo miisaskii ku teedsanaa wadada halbawlaha  u ah Caasimadda Hargeysa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay hawl-galkaas “Dalkeenii imika waxa la doonayaa in caasimada ay u ekaato magaallo madax oo ictiraafkii ayaa inagu soo dhow. Marka ma doonayno in billic xumadda iyo dadkan is-dhexyaala oo waddooyinka la baneeyo oo dadka xuquuqda lihii waa dadka dhismayaasha leh oo cid hortagi karta laba rabo.”Sidaa ayuu yidhi Maayarka caasimada hargeysa oo ka hadlayey dawladda hoose ee hargeysa oo biloowday hawlgalo ay ku bananaysay jidadka caasimada.”

Hawl-galkan waxa ka gadooday dhalinyaro ka mid ahaa dadka ku ganacsada meheradaha hortooda oo ciidammadda booliska uu iska horimaad dhexmaray, waxaanay Boolisku rasaas ku fureen dadkii ka gadooday hawlgalkaas, isla narkaana waxa ku dhaawacmay saddex qof, waxaana dhaawicii ay ciidanka rasaastiisu gaadhsiisay u dhintay Cabdi Axmed Aadan oo 40 jir ah, marxuumkaas oo ku qudh baxay cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

SDN, Hargeisa Somaliland

Said8090@gmail.com

 

Comments are closed