|

Masar oo sheegtay in ay qabatay sarkaal Al Qaacida,iyo ruuxa ay qabatay oo dafiray in uu ururkaa ka tirsan yahay

Qahiira Feb 29,2012(SDN)-Masuuliyiinta wadanka Masar  ayaa xaqiijiyay inay qabteen sarlad sare  oo ka tir sanaa ururka  Al-Qaaciida  Maxamed Ibraahin  Makaawi , kuna  magic dheer Saif  Al-adel.

Mr.  Al-adel waxa uu ahaan jiray raga ugu cad cadaa gacan yareyaasha u ahaa hogaamiyihii  hore  ee ururka Al-Qaaciida  Usaama Bin Laadin  gaar ahaan xiliyadii ay dhaceen  weeraradii lagu qaaday wadanka mareykanka ee 11kii September ee sanadkii 2001dii .

Saif Al-Adel  ayaa lagu  qabtay madaarka magaalada Qaahira, waxaanu soo raacay duulimaad ka mid  dhinaca Baakistaan  soona martay dubaay , Mareykanka  ayaa Ninkaasi u raadinaayey  weeraradii  qarxinta  ahaa ee lagu  qaaday safaaradaha uu Mareykanku  ku leeyhaya tansaaniya  iyo kiiniya sanadkii 1998kii.

Waxaana laga warqabaa tobankii sanadood ee ugu dambeeyey  in Ninkaasi uu ku sugnaa  wadanka Iraan , isagoo  xabsi guri ku jira , hase ahaate  marnaba  Iraan Ka may hadlin arintaasi .

Ninkan oo magiisa dhabta ahi yahay Maxamed ayaa sheegay in aanu aheyn hogaamiyha Al Qaacida,balse ay isku magac yihiin uun.

 

 SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed