|

2017 Hambalyada Bahda Qurbejoog.com; “Qaar Kaa Horreeyoo Hodanaa Na Dhaafee Adna Hogol Da’aysiyo..”

Hargaysa 01. January 2017 (SDN/QJ):- Maamulka, Masuuliyiinta, Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha iyo guud ahaan Hawl-wadeennada kala duwan ee Warbaahinta Qurbejoog.com, waxay Hambalyo iyo Bogaadin Hawada u marinayaan guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogto, bilawga sannadka 2017-ka ee  kawda ah awgii.

Waxaannu leeyanahay Hambalyo….. Hambalyo….. Hambalyo,  Allaah sannadkan sannadkiisa iyo sannado badan oo kale-ba ha innagu gaadhsiiyo Nabad, Caafimaad, Barwaaqo, Bash-bash, Farxad, Midnimo, Wada-jir iyo Horumar Muuqda Insha Allaah. Aammiin….Aammiin……………Aammiin.

Waxaannu Sannadkan cusub ee innoo bishay ku soo dhawaynaynaa ama ku qaabbilaynaa Heesta Ducada ah ee uu ku luuqeeyo Allaah ha u naxariistee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec; waxaanannu iyada oo Qoraal ah iyo iyadoo Maqal ah-ba idiinku soo gudbinaynaa Qoraalka iyo Muuqaalka hoose ee kala hooseeya ee Ka Bogasho wacan oo wanaagsan:-

Bayj 1:-

Waan Heesayaaye

Sannad waliba Hoodiyo

Hawliyo Dhibaatiyo

Wuxuu Hadimo leeyahay

Waa laga helaayoo

Hadhaw lagu Xasuustaa.

K:

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanwaynyey.

2:-

Qaar kaa horreeyoo

Hodanaa na dhaafee

Halkii loogu Mahad-naqay

Ka Habaabi mayside

Kuwa Hadhayna dabadaa

Waa la Hubsan doonaa.

K:-

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanwaynyey.

3:-

Waan ku Haybinaynee

Illaahay hakaa dhigo.

Adna Hogol da’aysiyo

Habeen-dhalad Barwaaqiyo

Nimco la hadhsan dooniyo

Cawo Lagu Hibeeyee.

K:-

Kii Noo Hagaagee

Noqo loo Hanweynyey.”

Comments are closed