|

Hargaysa: Saameynta Kor u Kaca Qiimaha Sonkorta ee Bulshada Danyarta ah

Hargaysa 20.October 2016 (SDN/QJ):- Qiimaha lagu Iibiyo Sonkorta, ayaa kor u kacday Suuqyada Magaalada Hargeysa, Taasi oo saameyn Taban ku yeelatay Bulshada danyarta ah iyo dadka ka ganacsada Shaaha.

shaaha-225x160Kiishka  Sonkorta oo markii Hore la siin Jiray 34 Doolar oo lacagta Maraykanka ah, ayaa qiimaha  imika suuqyada laga siinayaa uu marayaa 38 Doolar, kaasi oo qiimihii hore loo siin jiray lagu daray 4 Doolar.

Waxaa Cabasho ka Muujiyay Qiimahaasi Kor u kacay Ganacsatada Shaahleyda iyo Qoysaska Danyarta ee ku nool Magaalada Hargeysa, Hodan Maxamed Ciise waa Hooyo Caruurteeda iyo qoyska ay ka dhalatay, Nolol maalmeedkooda uga soo saarta Meherad shaah oo ay ku leedahay  Hargeysa, Waxaa ay sheegtay in Qiimaha Sonkorta ee kor u kacu ku yimid saameyn ku yeeshay Shaqadii ay ka ganacsan jirtay.

“Kiishka Sonkorta waxaa ku biiray 4 Doolar, Anigu Shaahii waxba kuma darin oo waxaan siiyaa 1000 Shilin, lacagtii galeysay iyo tii kasoo baxaysa ayaa kala badan oo maalmaha qaar anigaa khasaara, Waayo? Lacagtaasi ku korodhay waa intii aan ka faa’idi jiray ee aan caruurta biil uga dhigayay.”ayey Tidhi Hodan Maxamed Ciise Waxaanay Intaasi ku dartay “Ma Jirto cid dib u soo celinaysa Qiimahaasi kor u kacay Annaga (Shaahleyda)waa lanoo diiday inaanu Shaaha lacag ku darno.”

Maciishada Sonkorta ee qaaliyowday waxaa kale oo ay saameyn ku yeelatay Hooyo Xabiibo Cabdilaahi Diiriye oo xaafada Sheekh Madar ku Korisa Caruur ay Ayeey u tahay, taasi oo iyadna sheegtay iyadoon markiiba horeba haysan lacag sidaa u badan ay waxwalba qiimihii Hore loo siin jiray ay is baddaleen, taasina ay keentay inay wakhtiyada qaar aanay isticmaalin Maciishada Qaarkood.

“Aroortii ayuunbaan Caruurta u kariyaa wixii aan usoo helo, Sonkorta wakhti kaliya ayaan u kariyaa, markii horeba maanu haysan wax aanu nolosha sii sano, markay maciishadu sii qaaliyowdo waxaa noo barya maalin aan wanaagsanayn”Ayey Tidhi Ayeeyo Xabiibo Cabdilaahi Diiriye oo caruur ay Ayey u tahay ka Korisa Xaafada Sheekh Madar.

Somaliland waxaa inta badan  maciishada Dalka keena ganacsato ka madaxbanaan laamaha dawlada,  kuwaasi oo qiimaha ay alaabooyinka ku iibinayaan iyagu Goosta,Ayaanle Cali Nuur oo Mulkiilaha Meherad lagu Ibiyo Raashinka islamarkaana dalka dibadiisa kasoo Dajiya Cuntooyinka, waxaanu waydiinay sababta keentay in Wakhtigan Qiimaha  Sonkorta  kor u kaca u keenay.

“Waxaa keenay inay Maciishadu kor u kacdo, maaha Cashuur ay dawladi Nagu qaaliyeysay oo wax walba intoodii hore ayaa lagu Cashuuraa, Laakiin Xaga dibada markaanu kasoo iibsanayno raashinka ayaa lanagu  qaaliyeeyay maaddaama imika sanadka dabayaaqadiisii ay tahay oo warshaduhu aanay u shaqeyn sidii hore”ayuu yidhi Ayaanle, Waxaanu intaasi ku daray “Marka qiimuhu kor u kaco, dadka ayaanu saarnaa marka hoos u dhac ku yimaadana halkeedii ayaanu kusoo celinaa, Imika marka Sonkortu hoos u dhacdo qiimihii hore ayaanu ka siinaynaa Shacabka”

Comments are closed