|

Hargaysa:Sarrifka Boqolka Dollar Oo Hal Maalin Gudaheed Kor Ugu Dhaafay Hal Milyan Oo Shilin & Jaha-wareerka Nololeed Ee Bulshada

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay Suuqyada Somaliland, taasi oo macnaheedu yahay in hoos u dhici ugu weynaana uu soo waajahay Shilinka Somaliland.

Suuqyada Somaliland, ayaa Shalay Boqolka Dollar lagu sarrifayey Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, halka marka Qofku uu Shilinka sito lagaga iibinayey Boqolka Dollarka Hal Milyan iyo 25 Kun oo Shilin.

Sarrifka Dollarka ayaa bishii u dambaysay ku wareegayey inta u dhaxaysa 9 boqol iyo 50 kun oo shilin, illaa 9 boqol 80 kun oo Shilin, laakiin waxaan illaa hadda la garanayn waxa keenay in marka keliya uu boqolka Dollar ku boodo Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, wallow  la sheegay in Baanka dhexe ee Somaliland uu dabayaaqada Toddobaadkii hore Suuqyada soo geliyey Lacag cusub oo Shilinka Somaliland, taasi oo loo aanaynayo inay sababtay kor u kaca Dollarka, maaddaama oo Awalba Shilinka Somaliland suuqyada ku badnaa, Dollarkuna ku yaraa.

Waxa kale oo la sheegayaa in Sababta keentay in Qiimaha Sarrifka Dollarku uu mar keliya Cirka isku shareero ay tahay in Suuqyada Dalka laga waayey Noodhadhkii Dollarka, intii suuqu ku kala socdayna ay Gacanta u gashay Shirkadaha waaweyn iyo in Lacagtii ka soo bixi jirtay Dekedda Berbera ee Suuqyada dib u soo geli jirtay aanay jirin tan iyo intii DP World lagu wareejiyey Maamulka Dekedda Berbera iyo weliba Qorsheyaashii Dawladdu doonaysay inay kula dagaalanto Sicir-bararka Dollarka oo aan fulin.

Qiimaha Sarrifka Dollarka oo saamayn toos ah ku leh Nolosha Bulshada Guud ahaan, gaar ahaana Qoysaska Danyarta ah, maaddaama oo Qiimaha Maceeshaddu la socoto Sarrifka Dollarka.

Comments are closed