|

Hargeysa: Bangi Caalami ah oo Daah-furay Adeegyo ku Cusub Somaliland

Hargeysa, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Baanka Caalamiga ah ee la yidhaah Premier Bank, ayaa adeegyo casri ah oo ku cusub waddanka Somaliland ka daah-furay caasimadda Hargeysa, kuwaasoo ah nidaamka mishiinka ah ee lacagaha lagula baxo kaadhadhka (Automated Teller Machine (ATM),  iyadoo adeegan fursad fiican u yahay dadka qurba-jooga ah iyo ajaanibka kale oo safarka ku yimaad Somaliland.

Baanka Premier Bank, ayaa ah mid casri caalami ah oo xidhiidh la leh bangiyo badan oo ku yaal dalalka caalamka,  waxaannu rusqad ka haysta Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo u fududeyn doonna ganacstada iyo hay’adaha caalamiga ah inay si fudud lacagtooda uga saaran karaan kaadhadhka ay haystaan.

 Munaasibadda daah-furka adeegan ATM oo lagu qabtay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Baniga Dhexe ee Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan, masuul ka socda baanka Premier Banka Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi  Jibriil iyo qurbo-joog oo soo dhoweeyey furitaanka adeegyada cusub ee baankan.

Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi JIbriil oo halkaas ka hadlay, ayaa ka warbixiyey sida Premier Bank u shaqayn doono iyo fursadaha uu dadka u leeyahay, waxaannu yidhi; “Premier Bank waa baan islaami ah oo ka diiwaangashan rusqadna ka haysta baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland. Premier Banka waxa uu maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 03/05/016 si rasmi ah uga daah-furnay bulshada Somaliland markii ugu horeysay adeegyada Mastercard iyo VISA, isagoo keenay mishiinka lacagta lagula baxo ee loo yaqaan Automated Taller Machine (ATM), kaas oo la jaanqaadaya siyaasadda baanka iyo ujeedooyinka baanka dhexe ee Somaliland oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka habab lacag bixineed oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahna ka mid yhiin.

Adeega noocan ah wuxuu u sahli doonnaa qurbo-jooga ku nool dalka dibadiisa iyo socotada ajanabiga ah inay si fudud u heli karaan lacagahooda ugu jira Baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimaadaan Somaliland, sidoo kale, waxa uu door laxaad leh ka qaadaan doonnaa in ardaydu iyagoo dalkoodda jooga jaamacaddo caalami ah wax ka baran karaan, dadweynaha kalena ay si fudud uga adeegan karaan suuqyada caalamiga ah ee Internet-ka.”

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Baanku wuxuu bixin doonaa adeegyo maaliyadeed oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweynaha, ganacsatada yaryar, kuwo waaweyn iyo Hay’adaha kala duwan ee Somaliland ka hawlgala. Waxa uu sidoo kale hirgalin doonaa adeegyo casri ah oo kaalin laxaad leh ka qaadan doonna shaqo-abuurka, wax-soo-saarka, koboca dhaqaalaha, iyo horumarka dalka guud ahaan.”

“Adeegga ATM-ka waxa hadda si toos ah looga heli karaa Ambassador Hotel, iyadoo maalmaha soo socdana la hawlgalin doonno ATM-yo kale oo laga dhigi doonno goobo ay si fudud uga heli karaan dadweynuhu. Premier Bank waxa uu sii waddi doonnaa dedaalkiisa uu dalka iyo dadka Somaliland ugu keenayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, waxtarna u leh bulshada,” ayuu yidhi Dr. Jibriil.

 Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey furitaanka Baankan cusub, waxaannu sheegay inuu dadweynaha u soo kordhin doono adeegyo cusub oo dadka ajanabiga ah iyo qurbo-jooguba kaadhadhkooda ay kala bixi karaan lacagtooda, iyagoo waddanka jooga.

“Waxa  aannu halkan ku daah-fureyna adeeg cusub oo ay dalka ku soo kordhiyeen Premier Bank, waxaannu Baanka Dhexe ee Somaliland liisanka siiyey bishii January, 2016-ka, waxaanay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa bangi ganacsi ah oo  islaami ah, waxaannu ku faraxsanahay in shaqadoodii ku bilaabaan adeeg cusub oo aan dalka hore uga jirin oo ay soo kordhiyaan, wuxuu ku shaqayn doonnaa ATM oo ah mishiinkan uu qofku isagoo kaadhkiisa sita Master Cardka ama Visa uu lacagtiisa kala bixi karo. Adeeggan waxa isticmaali kara ardayda jaamacadaha ku jira oo buuggaagta ay u baahan yihiin ku iibsan kara, socotada dalka yimaad ee qurbo-joogta iyo ajnabiga dalka yimaad isugu jira. Premier Bank waa mid sharci ka haysta Baanka Dhexe Somaliland, Baanka Dhexe-na wuxuu dhiirrigalinayaa baananka ganacsi ee doonaya inay dalka ka  shaqeeyaan, waxana soo kordhin doonaa maalgashiga iyo horumarinta dalka, waana soo dhoweynaynaa, iyaga iyo kuwo kale ee iman doona,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Sidoo kale, waxa isaguna isla goobta lacag kala baxay qurbo-jooge magaciisa la yidhaaa Yaasiin Sheekh, kaasoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in Hargeysa dhexdiisa uu baankii caalamiga ahaa ugu yimaad, isla markaana hadba inta aad doontid kala bixi kartid lacagta aad doonayso.

“Haddii aannu qurbo-jooga nahay halka ATM ka heli jirnay waxay ahayd Dubia, waxa nasiib wanaag ah in Hargeysa dhexdeeda ka helnay Premier Bank, waxaannu kaga maarmaynaa xawaaladihii iyo haddii lacag faro badan laguu soo diro waxay leedahay khatarteeda, laakiin Baankan kolba inta aad doonto ayaad kala baxaysa,” ayuu yidhi Yaasiin Sheekh oo isla dadkii hortiisa lacag kala baxay Premier Bank ATM.

Xigasho: Tooshmedia

Comments are closed