|

Haweenay iyo ilmo yar oo ku dhintay Deegaanka Jalam ee gobolka Nugaal Iyo Sababta Geeridooda DHAGAYSO

Buurtinle, 28 April, 2016- (SDN/QJ): – Deegaanka jalam oo hoos tagta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ku geeriyooday haweenay iyo wiil yar oo ay gacanta haysatay.

 

Haweenaydan iyo wiilkan ku dhintay deegaankaasi ayey dhimashadoodu timid kadib markii ay ku dhacay berked xili ay xoolo dabada ka waday.

 

Sahro Daahir Cabdille Ehelada gabadha geeriyootay ayaa sheegaya in gabadhu ay ahayd xaamilo halka wiil yar oo halsano jir ah ay gacanta haysatay kadibna Berkadaasi ay ku dhaceen.

Comments are closed