|

Sucuudiga oo Jeexday Qorshe Uu Kaga Kaaftamooyo Ku-tiirsanaanta Dhaqaale Ee Shidaalka

Riyaadh, 28 April, 2016- (SDN/QJ): – Dawladda Saudi Arabia, ayaa meel-marisay Qorshe is-beddelo lagu samaynayo dhaqaalaha dalkaas, kaasoo loogu talo-galay in lagu Casriyeeyo, dhawr Noocna lagaga dhigo Dhaqaalaha Boqortooyada Sacuudiga.

Saudi fuelMas’uuliyiinta Sucuudiga, ayaa sheegay in Qorshahani uu yahay mid lagu doonayo in lagu dhimo ku tiirsanaanta Sucuudigu uu ku tiirsan tahay lacagaha ay Shidaalka ka helaan 15-ka Sannadood ee soo socda.

Sidoo kale, Qorshahan ayaa la sheegayaa in la filayo in lagu sameeyo lacag gaadhaysa laba Trilyan oo Doollarka Mareykanka ah oo lagu Maal-gelinayo Adduunka oo dhan, taas oo la sheegay inay qayb ka tahay isbeddelka dhaqaalaha Sucuudigu uu qorsheynayo.

Dowladda Sucuudiga, ayaa ku dhawaad 80% Dhaqaalaheedu ka yimaaddaa Shidaalka oo Dalkaas uu hodan ku yahay, balse waxaa saameeyay Sicirka shidaalka ee hoos u dhacay caalamka oo dhan sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

Isbeddelkan dhaqaale ee uu Sucuudigu ku dhaqaaqayo ayaa la filayaa in Shirkadda Shidaalka ee dalkaas ARAMCO ay ku sameyso maal-gashi caalami ah oo kala duwan, si Qorshahan uu u hir-galo Sannadaha soo socda.

Qorshahan is-beddelka Dhaqaale ee Sucuudiga, ayaa waxaa ku dhawaaqay Amiir Mohamed bin Salman, isagoo sheegay inay tani billow u tahay in Sucuudigu uu ka kaaftoomo inuu ku tiirsanaanta dhaqaalaha shidaalka kasoo gala.

“Waxaan doonaynaa inaan Qorshahan cusub si dhab ah ugu hubinno inaanu Noolaan karno Shidaal la’aan 15-ka Sannadood ee soo socda. Waxaana Qorshahan 2030-ka aan ku doonaynaa inaan dalkeenna ku horumarino dhaqaale ahaan,” ayuu yidhi Amiir Mohamed bin Salman.

Ugu dambeyn, is-beddelka dhaqaale ee Sucuudigu Shaaciyay ayaa waxaa ka mid ah:

  1. In 5% saamiyada Shirkadda Shidaalka ee ARAMCO la iibin doono.
  2. In lacagtaas Qaarkeed lagu sameyn doono Maal-gashi dhan 2-Tirilyan oo Doollar
  3. In Habka Cusub ay Muslimiinta iyo Carabta uga shaqeystaan Sacuudiga Muddo fog.
  4. Talaabooyin lagu samaynayo noocyo dhaqaale oo kala duwan ayaa la qaadayaa oo ay ku jirto maal-galinta Macdan-qodista iyo ballaadhinta wax soo saarka Qalabka Millateriga.

Comments are closed