|

Haweenay Magaaladda Burco ugu Geeriyootay Kadib Markii Roob Shalay Galab ka da’ay uu Gidaar Ku soo Dumiyey iyo Qof Kale oo Dhaawac ah DAAWO

Burco 23. May 2017 (SDN/QJ):-Allah ha u naxariistee  hooyo Aamina Cali Nuur ayaa ku geeriyootay roob xoog lahaa oo muddo kooban ka da’ayey magaalada burco Gaar ahaan Gelinkii Danbe.

Marxuumada ayaa Geeriyootay Kadib Markuu roobku ku soo Dumiyey dhismayaal uu ka mid yahay gidaarka Garoonka kubada cagta ee Alamsay Stadium ee Magaalada Burco, gidaarkaas oo ku dul dumay labo ruux oo mid ka mid ahi tahay hooyada geeriyootay, qofka labaadna uu dhaawac culus yahay.

Guud ahaan Jamhuuriyada somaliland waxaa ka da’aya roobabkii gu’ga ee sanadkan ka dib muddo 4 sanadood ah oo ay Somaliland inteeda badani abaaro ku soo jirtay.

Comments are closed