|

Haweenay Saygii ay u Dhaxday Mindi Ku Dishay Gudaha Magaalada Beledweyne

Beledweyne:Sep,18,2015(SDN/QJ)-Haweenay ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa qudha ka jartay ninkeedii, kadib markii uu dhex maray khilaaf muddooyinkii ugu dambeeyey soo soo taxnaa, sida dad xog-ogaal ahi caddeeyeen.

mindiDhacdadan, ayaa ka dhacday Xaafadda Kooshin, iyadoo haweeneydu ay dilka saygeeda u adeegsatay toorey/mindi, waxayna kaga dhuftay qaybaha kore ee jidhkiisa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan, ayaa daqiiqado ka dib ugu geeriyooday hoygiisa, markii tooreyda ay kaga dhacday meel halis ah.

Ciidanka Booliska Magaalada Baladweyne oo ku baxay hoyga uu dilku ka dhacay, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeneydaasi, oo xilligan su’aalo lagu weydiinayo Xarumaha Boolisku ku lee yihiin Magaalada.

Cabdalla Cumar Jeelow oo ka mid ah dadka degan Magaalada Baladweyne, ayaa warbaahinta u sheegay dhacdadaasi inay ahayd mid ay ka wada naxeen bulshada reer Baladweyne.

Jeelow, ayaa sheegay haweeneyda dilka gaysatay in maalmihii ugu dambeysay uu khilaaf soo kala dhexgalay saygeeda, ka dib markii ay isu qabteen arrimo uun la xidhiidha qoyska.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed