|

Wiil Soomaali Maraykan ah Oo Qirtay Inuu Daacish Ku Biirayo

Minneapolis:Sep,18,2015(SDN/QJ)-Sakariye Yuusuf Cabdiraxmaan oo ah 20-Jir Soomaali-maraykan ah, ayaa maxkamad ka hor qirtay inuu doonayo ku biiritaanka Kooxda Daacish eek a dagaallanta dalalka Syria iyo Ciraaq.

skariye-170x114Sakariye ayaa ka hor caddeeyey maxkamada in uu doonayay in uu kaalmeeyo walaalaha Musliminta ah ee dhibaatada ay ku haysay dowlada Siiriya kadib markii uu arkay codsiyo ay dadka Muslimiinta ah u soo jeedinayeen.

Fikirka ah inuu Daacish ku biiro waxaa uu sheegay inuu ku dhashay sanadkii hore ee 2014 markaas uu daawaday muuqaallo lagu tarjumay Af-Ingiriis oo baraha bulshada lasoo dhigay kuwaasoo ay ka muuqanayeen dhibaato uu dadka Muslimka ah u geysanayo M/weynaha Syria Bishar Al-Asad.

Sakariye Yuusuf oo ah qofkii saddexaad oo asalkiisu yahay Soomali oo ka hor qirta maxkamad ayaa dambiga uu galay waxa uu ku muteysan karaa 15-sano oo xadhig ah inkastoo aan weli maxkamadu sheegin xilliga go’aanka maxkamada lagu dhowaaqayo.

Zakariye oo hore u soo noqday arday wax kabarta kulliyada cilmiga Kombiyuutarka ee Minneapolis ayaa markii uu soo galayay maxkamada waxa uu ku arkay waalidkii oo ay ilmo indhahoodu ka muuqato.

Hanad Musse oo isaguna ka mid ah dhalinyarada ku nool Minneapolis ayaa toddobaadkii hore qirtey inuu doonayay in uu ku biiro ururka Daacish hase yeeshee Zakariye ayaan ka leexleexan inuu si toos ah u magac dhabo dadkii kale ee ku biirida Daacish ay ka wada hadleen kuwaasoo qaar kamid ah weli ku jira xabsiyada dalka Maraykanka sugayana in maxkamad la soo taago. Sidoo kale dhalinyaradan ayaa waxaa ku jira qaar u gudbay dalka Siiriya lana la’ yahay iyadoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah dhalintaas ay ku dhinteen dalka Siiriya.

Zakariye ayaa sheegay in fikirka ku biirista kooxdan Daacish ay ka horeysay markii uu wiil kale oo lagu magacaabo Cabdraxmaan Bashiir kaasoo si hoose ugu shaqeynayay laanta dambi baadhista ee FBI, waxana ay FBI-du siisay lacag gaadheysa $41.000 Bashiir si uu ugu soo jaajuuso. Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtoodu ay xidhan yihiin ayaa ku dooday in Bashiir uu ka dambeeyay fikirka ah in lagu biiro Daacish.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed