Valleta:Dec,21,2014(SDN/QJ)-Haweenay Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, ayaa si kedis ah iskaga soo tuurtay Dabaqa afraad ee Aqal ku yaalla Dalka Malta, waxana socda Baadhitaanno lagu wado geerideeda.
Gabadhan oo lagu magacaabi jirey Guddoon Cabdulaahi Xasan waxay ahayd gabar yadh oo muhaajirad ah, dadeeduna 18-jir tahay, taas oo dhawaan Si tahriib ah ku gaadhay Jasiiradda Malta.
Gabadhan ayaa dadka xidhiidha la lahaa warbaahinta u sheegeen inay dhibaato badan la kulantay intii ay tahriibka ku jirtey, iyadoo muddo badan ku xidhnayd goobo ku yaalla Dalka Malta iyo waddanka Libya oo ay safar kusoo martay.
Guddoon waxay kasoo jeedaa qoys faqiir ah, aabaheedna wuxuu dhintay 2013-kii geerida aabaheed kaddib waxay isaga soo tagtay Soomaaliya, bishii September ee sanadkan 2014-kana waxaa geeriyootay walaasheed iyada ka yar, waxaana la dhashay Gudoon 7-caruur ah oo iyadu ka yar yar, qoyskeedu waxay kasugayaa caawimaad, lacagta ay kusoo gashay safarka tahriibtana waxaa soo amaahday hooyadeed oo rajaynaysay inay markay Yurub gasho soo bixin doonto.
Asxaabtii ay la nooleyd Gudoon waxay sheegeen in ay u sababeynayaan geerideeda xaalado adag oo dhanka nolasha ah iyo niyad jab lasoo darsay iyada sidoo kalena waxay xuseen dhalinyaradu in ay xanuunsan jirtay, taasoo sabab u noqon karta in ay kasoo dhacdo dabaqa afaraad ee ay daganayd.
Meydka Guddoon wali lama aasin oo wuxuu kujiraa talaagada cisbitaalka Mater Dei ee caasimada Valletta, shacabka Soomaaliyeed ee kunool Malta waxay iska aruuriyeen lacago qaadhaan ah si loo aaso meydka gabadhani laakiin waxaa wali baadhitaano ku aadan waxa sababay geerida gabadhani wada booliiska, iyadoo aan wali la ogayn sababta dhabta ah ee ay kaga soo dhaacday Gudoon dabaq afaraad ee gurigii ay daganayd.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
