|

Haweenka Ugu Awoodda Badan Somaliland Oo Dacwad Kusoo Oogay Wargeyska Ogaal

Hargeysa:Sep,01,2015(SDN/QJ)-waxa markale xalay fiidkii soo gaadhay xarunta Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal Warqad yeedhmo ah oo ka timi Maxkamadda Gobolka, Taas oo la filayo inay la xidhiidho Dacwad marwooyinka dalka ugu awoodda Badani gudiyeen.

raGuddoomiyaha Wargeyska Ogaal Muuse Jaambiir, ayaa sheegay in curashada arrintani ka soo jeeddo warar uu Wargeysku faafiyay oo ku saabsanaa arrimaha Haamaha Shidaalka ee hadal-haynta wareejintoodu weli taagan tahay. “Illaa hadda si cad uma hayo, balse warar aan helay iyo su’aalaha la I weydiiyay-ba waxa ka dhadhamaysa, in Marwada Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu ay Dacwad ku oogeen Ogaal. Inkastoo ay i soo gaadhay in markii hore ku talagalku ahaa in la i xidho, meeshana la xidho, haddana waxa igu maqaalo ah in looga wareegay sidan, xaqiiqaduse way soo bixi doontaa.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Faarax Jaambiir.

Mr. Jaambiir oo ka jawaabayey waxa ay yihiin wararka dacwaddan keenay ee Wargeysku faafiyey, waxa uu yidhi; “Illaa hadda waxaannu og-nahay in qoonsimaadku ka dhashay, war uu hore u faafiyay Wargeysku oo ay ku jirtay, in labada Marwo ay ka mid yihiin hormoodka qorshaha wareejinta Haamaha iyo in dano ugu jiraan. Waxa kale oo raaca haasaawaha iyo tusaalayaasha kartoonka wargeyska ee Carraale waddani iyo dareenka dadka ee dhanka ka ah wareejinta haamaha ee aanu baahinay.”

Guddoomiyaha Ogaal Muuse Jaambiir wuxu intaa ku daray oo uu yidhi; “Xaq baa loo leeyahay in laga dacwoodo wargeyska, Marwadda madaxweynaha iyo wasiirka maaliyaduna haday qoonsadaan wax gef ku ah xaq bay u leeyihiin, anaguna ka wargeys ahaan waxaanu xaq u leenahay in aanu helo caddaalad ka madax banaan awooddooda oo taayadana sugta, toodana sugta. Halkay ku dambaysana waynu dhawri.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporaws.com

 

Comments are closed