Uncategorized

Hawlwadeenada Tvga Qaranka Somaliland ee Uk oo wax laga xumaado ku tilmamay hadal ka soo yedhay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen

London19May16(SDN/QJ)Hawlwadeenada Tvga Qaranka Somaliland ee Uk oo wax laga xumaado ku tilmamay hadal ka soo yedhay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ay si fican u soo dhaweyeen xiligii uu ku sugnaa madasha lagu xusayo isaga iyo xubnahii xisbiga Ucid .Musharaxa Madaxaynaha Ucid ayaa waxa uu goobta yimid xili ay dhamatay tabinta Tooska ahayd  isla markaa ay hawlwadeenada Tvga  qaranku masuuliyad isaka sareen inay dubeen khudbadii Musharaxa Xisbiga si dhaqsana baraamijka laga sii dayn doono Tvga qaranka ,waxana xusidi mudan in xubnahii xisbiga Ucid Mudnaanta la siyey oo la fadhisiyey xaga ugu horaysa khudbadoodiina si toosa loo sii dayey . waxa ahayd Mushraxa inuu la xidhiidho Madaxda Tvga haduu wax qoonsaday waxana isaga ka horeyey sadexda xisbi o si live loo sii dayey oo magaca xisbigana uu ku hadlayey Gudoomiyaha Xisbiga ee Uk Mudane Maxamed Jamac Kodbuur (Shiine) Xisbiyada Qaranka  way u siman yihiin Tvga Qaranka hadii uu  wax qoonsaday waxay ahayd inuu la soo xiriiro masuulinta Tvga.  waxana goobta ku sugnaa shaqalahii Tvga oo si hagar la aana u tabinayey waraysiyada oo waliba si qadarin mudan ula shaqayey musharaxa soona fadhisiyey goobta martida .waxana la filayaa inuu baramijka oo dhamaystiran soo baxo dhawaan.