Uncategorized

Hay’add Dhaqaatiirya aan Xuduuda Laheyn oo ka digtay Musuqmaasuq lagu sameeyo Gargaarka Soomaaliya

Nairobi Mach 01 2013 (SDN)— Warsaxaafadeed ay soo saartay hayada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa waxay kaga hadashay howlaha gaarka oo hayada ay ka wado dalka Soomaaliya iyo dhibaatada heysata caruurta iyo haweenka Soomaliyeed.

“Sida dad badan oo Soomaali ku dadaalayaan inay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin ee lama huraanka ah,sida raashiin xanaano caafimaad iyo ka hortaga musuqmaasuqa gargaarka bini’aadanimo waxaa in diirada la saaraa inay gabi ahaanba ka madax banaanaataa wax walbaa oo arimaha siyaasada ah”sidaasi waxaa yiri Jerome Oberreit oo ah xoghayaha guud ee hayada MSF.

Sidoo kale xoghayaha guud ee hayada MSF ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in loo baahan yahay in habka gargaarka bini’aadanimada inuusan ahaanin mid doorasho lagu hirgeliyo,sida uu hadalka u dhigay.

Warsaxaafadeedka hayada ayaa sido kale lagu qeexay in qaxiijinta iyo badbaadinta ruuxa bukaanka iyo shaqaalaha caafimaadka ay tahay muhiim,islamarkaana gargaarkana uu ahaa mid dhexdhexaad ah cadaalada ku salaysan.

“Sidaan horay ugu aragnay Soomaliya iyo meelaha kale oo ay ka mid yihiin Afganistan ,Iraq, Sierra Leone iyo Angola ,marka ciidamada meletariga ama kuwa nabad ilaalinta ay ku dadaalayaan mideynta gargaarka si loo hormariyo siyaasada iyo amaanka waa wax isgedgediya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayaha guud ee MSF.

Hayada MSF ayaa sidoo kale sheegay In deegaanada ku yaala bartamaha iyo koofurta dalka Soomaaliya aysan ka jirin xornimada iyo cadaalada gargaarka ay hayada bixiso.

Ugu dambeyn hayada MSF ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in hayada shaqaalo ka mid ah laga afduubtay xerada dhadhaab laguna hayo Soomaaliya hayadana ay aaminsan yahay ilaa iminka inay ku jiraan Soomaaliya iyo sii socoshada afduubta ay horseeday inay yarayso gargaarkii ay ku bixin jirtay dalka Soomaaliya,ilaa laga xaqiijinayo amaanka hayada lagana sii deynayo labada shaqaale ee MSF ka tirsan.

SDN-Nairobi