|

“Heshiiska Dekedda Berbera Wuxuu La Mid Yahay Kii TOTAL, Siilaanyo-na Taariikhda Ayuu Ku Gelayaa..” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 27,May 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa difaacay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee ay dhawaan kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP World.

 

7072Faysal oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa Dadweynaha u soo jeediyay inay ka fikiraan waxa Maal-gelinta Dekedda Berbera uu Dadka iyo Dalku ka faa’ideyo, laakiin aan lagu mashquulin Hebello looga shakisan yahay inay si gaar ah uga faa’ideystaan.

 

Faysal oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Heshiiska Dekeddu ma yahay Heshiis Horumar keenaya, Dekeddeena Cammiraya oo wixii ka soo dega ku xidhaya Dalalka Jaarka ah ?. Hebel iyo ina Hebel baa ku jira (Heshiiska) oo cunaya yeynaan waxaa ku sheekayn Walaalayaal. Waa inaynu ku tashanaa waar Mashruucaasi ma yahay mid Dalka iyo Dadka Dan u ah. Heshiiskani wuxuu la mid yahay kii TOTAL ee Cigaal ku dhiiraday inuu Haamaha Keydka Shidaalka u dhiibo TOTAL, markaa Siilaanyo Jecloow ama Necbow Taariikhda wuu ku gelayaa Heshiiska Dekedda Berbera.”

Comments are closed