|

Shaqaalaha Dekeda Berbera Oo Xaalad Kacsan Ku Jira Kadib Markii Ay Ogaadeen Qodob U Quus Goynaya Oo Ku Jira Heshiiska Shirkadda Dekeda Lagu Wareejijnayo

Berbera 27,May 2016 (SDN/QJ):- Shaqaalaha kala duwan ee ka hawlagala Dekeda Berbera ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay xaalad kacsan ku jira kadib markii ay wax ogaadeen heshiiska ay kala saxeexdeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkada lagu wareejinayo Dekeda Berbera ee DP-WORLD,kaasi oo mugdi galinaya sii joogitaankooda Dekeda inay ka sii shaqeeyaan marka ay Shirkadani la wareegto.

Shaqaalaha Dekedda BerberaWarar Madax Bannaan oo wargeyska Foore ka helay Dekeda Berbera oo aanu Warkan ka soo Xiganay ayaa daaha ka rogay in Walaac wayni uu soo food saaray Shaqaalaha Dekeda ka hawlgala islamarkaana ay ku jiraan Xaalad kacsanaan ah,kadib markii ay soo shaacbaxeen Qodobo meesha ka saaraya Shaqaalaha Dekeda Berbera oo ku jira Heshiiska ay Shirkadaasi kula wareegayso Dekeda Berbera,waxa si gaar ah maankooda u taabtay Shaqaalaha Dekeda qaar ka mid ah Qodobada ka hadlaya hanaanka shirkadu umaamulayso Dekeda Berbera iyo awooda loo siiyay inay masuuliyiintu shirkadu siday doonaan ka yeelaan Shaqaalaha Shirkada ee ka kala shaqaynaya Dekeda Berera, waxa uu qodobkaasi walaac horleh ku abuuray Shaqaale Weynaha Dekeda Berbera oo markii hore qaab Saami qaybsi ku salaysan reero kaga shaqaynayay Dekeda Berera,waxaanay ka cabsi qabaan suurtagalnimada in Gabi ahaanba meesha laga saaro.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dekeda Berbera oo aanu khadka Telefanka kula xidhiidhnay,Waxna Ka waydiinay arintan ayaa noo xaqiijiyay in shaqaalaha dekedu ku jiraaan Xaalad kala guur ah oo wal wal badan,waxa ay noo sheegeen inay soo gaadheen Qodobo ku jira Heshiiskaasi oo taabanaya Shaqaalaha Dekeda Berbera iyo waxa ay shirkadu ka yeelayso Kuwaasi oo walaac gaar ah ku abuuray,waxaanay noo sheegeen in Qodobadaasi awood loogu siiyay Shirkadu inay kala xulato Shaqaalaha Dekedka Ka Hawlgala,waxa kale oo ay noosheegeen inay maqleen in shirkadu qorshaysay inay aqoon ku xulato Shaqaalaha oo wixii ay u arkaana inaanay la shaqayn Karin inay magdhaw siinayaan dabadeedna ay shaqada ka fadhiisinayaan.

Sikastaba ha noqotee, Waxa Heshiiska Shirkadani Kula wareegayso Dekeda Berbera ku jira in oo in Shirkadda dekedda lagu wareejiyey ay ka masuul ahaan doontaa:fulinta hawlaha ballaadhinta dekedda, oo ay ka mid yihiin dhismaha iyo ka shaqaysiinta dekedda hadda dhisan iyo Tayaynta Shaqaalaha Dekeda ka kala shaqaynaya. Waxaanu qodobkaasi si gaar ah Shirkada Awood u siinayaa inay masuuliyiinta Shirkadu iyagu iska leeyihiiin awooda shaqaalaysiinta iyo Eryidaba,waana Arimaha hor dhaca ah ee saamaynta ku yeeshay Shaqaalaha Dekeda Berbera.

Comments are closed