|

Hibo Cabdiraxman: Basaasidii Mosad Ee Halist Badnayd & Sida ay Ku Heshay Xogta Sheegaysa Halka ay Yaalaan Gantaalaha Hawada Sare ee Difaaca Masar!

Qaahira 17. July 2017 (SDN/QJ):- Markii ay Hibo aamintay inay Yuhuuddu bariga dhexe ugu awood badan tahay waxa si fudud looga shaqaaleeyey hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mosad waxaana sabab u ahaa oo hawsha shaqaalaynteeda ka qayb qaatay Yuhuudiga dhalinyarada ah ee reer Poland ee saaxibadeed gurigeeda ku baratay.

Hibo ayaa Mosad u sheegtay inay aqoon fiican u leedahay Faaruuq Cabdixamiid Al-Fiqhi oo ahaa Taliyaha guud ee hubka dagaalka ee ciidanka Masar sanadadii waagaasi.

Faaruuq waxay isku barteen Hibo Naadiga Jasiira, waxaana uu ahaa mid aad u jeclaa inuu guursado laakiin iyadu dan kamay lahayn wakhtigaasi. Markii laga shaqaaleeyay Mosad ayay iyaduna dhinaciisa usoo jeesatay oo u sheegtay inay diyaar u tahay inay is guursadaan waxayna doonaysay inay ka faa’iidaysato sirta hubka ciidanka Masar ee uu wakhtigaasi hogaanka ahaa.

 

Sida runta ah waxay ka heshay Faaruuq Al-Fiqhi macluumaad aad u muhiima oo dhinaca hubka iyo ciidankaba ah warkaasi oo ay markiiba u gudbisay sirdoonka Mosad ee Isra’iil.

Si Tartiib tartiiba ayay u bilawday inay weydiiso qaar ka mid ah macluumaadka iyo arrimaha qarsoon ee dagaalka iyo ciidanka ninkeeda taliyaha ah, gaar ahaan waxay weydiisay gantaalo cusub oo Ruushka ka soo gaadhay  ciidanka Masar goobaha la dhigay.

Isaguna wuxuu ahaa mid kalsooni ku qaba oo horteeda ku faani  jiray oo weliba u sheegi jiray siraha qarsoon ee ciidanka. Xataa wuxu u dhiibay  khariidada (Map) ay wax kasta ku sharaxan yihiin, goobaha hubka, ciidanka, Taangiyada dagaalka, iyo dhamaan gaadiidka gaashaman ee kala duwan iyo xeryaha/ saldhigyada ay ku kala sugan yihiin, madaama uu isagu ahaa taliyaha hubka dagaalka.

Sarkaalkaasi Masaariga ahi muu lahayn caqli uu ku fikiro oo sirta qarankiisu ku aaminay uu ku badbaadiyo, laakiin waxa ka xoog badatay raaligelinta indhaha la’ayd ee uu u hayay xaaskiisa Hibo.

Faaruuq Waxa uu suurgeliyay inay Israa’iil hesho khariidada gantaalaha SAM 6 oo ah kuwa difaaca Cirka meelihii lagu rakibay kuwaasi oo ciidamada Masar hadh iyo habeen ay kaga ilaalin jireen hawada Masar weerarada cirka ee Israa’iil kaga iman kara.

La soco…

Comments are closed