|

Khayraadka Badda Oo Dalkeenu Qani Ku Yahay Iyo Bulshada Oo Aan Dhaadanayn

Hargeysa 17. July 2017 (SDN/QJ):- Marar badan ayaa ay khubarada caafimaadku ku celceliyeen in daraasadaha caafimaadka ee la sameeyey ay xaqiijinayaan in ay jiraan noocyo cuntada ka mid ah oo ay suurtogal tahay in ay hoos u dhigaan khatarta in qofka uu kansar ku dhaco, ama in ay ka hortagba u noqon karaan kansarka, sidaa awgeed waxaa qasab ah in aynu dhagaysanno talooyinka caafimaadka oo aynu intii suurtogal ah ka raacno cuntooyinka ay khubarada caafimaadku ku talinayaan.

Waxaanu akhristayaasha u soo bandhigaynaaa qaar ka mid ah cuntooyinka dalkeenna (Somaliland) laga heli karo ee ay khubaradu sheegeen in isticmaalkoodu kanskarka ka hortagi karo, iyadoo aynu kazoo qaadan doono kalluunka oo ah ka ugu muhiimsan waqtigan oo ah khayraad dihin oo aan la taaban muddadii dawladnimada dalku jirtay, taasoo sabab ay u ahayd aqoon-darrada bulshadeena ka haysay faa’iidada iyo macnaha ku jira khayraadka baddeena iyo weliba bulshadeena oo dhaqan ahaan ah bulsho xoolo dhaqato ah.

Kalluunka oo ka mid ah khayraadka dalkeenna sida sahlan looga heli karo haddana aynaan xoog u isticmaalin ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay ku jiraan macdanno tiro badan oo u fiican shaqada hab-dhiska difaaca ee qofka, waxa uu jidhka siiyaa awood buuxda oo uu iskaga caabbin karo noocyada kansarka.

Waxa ay khubaradu ku taliyaan in ugu yaraan toddobaad kasta laba jeer uu qofku isticmaalo kalluun, weliba waxaa fiican in dubo, ama aan saliid lagu shiilin.

Comments are closed