|

Hirdanka Guddoomiyaha Iyo Wasiirka, Dareenka Muuse Biixi, Damaca Maxamuud Xaashi, Imtixaanka Cirro Iyo Maxkamadda UCID

Hargaysa 28.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shabakadaha wararka internetka qaarkood faafiyeeen in uu ka aloosan yahay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya damaca siyaasadda iyo kala riixashada awoodaha xisbiga, isla markaana xisbiga Waddani ayaa isna dhankiisa waxa dib loo dhigay mar kale shirkii golaha dhexe, halka Ucidna laga war sugayo go’aanka Maxkamadda.

muuse biixi iyo maxamud xaashiWasiirka Madaxtoyada Maxamuud Xaashi ayaa xogaha la faafiyay tilmaamayaan inuu doonayo jagadda Gudoomiyaha Xisbiga, balse  Gud. Muuse Biixi ahna  musharaxa Madaxweynaha Xisbiga kulmiye ay ku adkaatay iswaafajinta damacyada doonaya jagadda Gudoomiyaha, isla markaana uu weli raadinayo xal uu kula tacaalo,  iskuna aqbalsiiyo damacyadda Maxamuud Xaashi, Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi, taa bedelkeedana Gud. Muuse Biixi iyo Maxamuud Xaashi ay ku wada macaamilaan siyaasad aan salkeedu fadhiyin oo isu dabaal joogtayn ah.

Murashax Muuse Biixi ayaa la tilmaamayaa inuu dhabar taabasho aan runteedu muuqan uu ciyaarayo, taasina aanay qancin Wasiirka Madaxtooyadda, isla markaana loo tirinayo in taasi sababtay inuu sii xoogaysto khilaafka la tuhunsan yahay inuu u dhaxeeyo Wasiirka iyo Murashax Muuse Biixi.

Siday tibaaxeen xoggo ay faafisay shabakada Togdheernews, khilaafkani wuxuu sii xoogaystay wixii ka dambeeyay isku shaandhayntii Golaha Xukuumada ee dhawaan dhacday, taasoo la tilmaamay in xubnihii uu watay Muuse Biixi ee uu doonayay inay ka mid noqdaan xukuumadda laga reebay liiskii soo baxay, taasoo Gudoomiyuhu u aanaynayo inuu lug ku leeyahay wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Geesta kale Gen. Cismaan Dacas ayaa markii u horaysay ku dhawaaqay in Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi xoog kaga qaaday beer uu sheegay inuu lahaa oo ku taala aagga Geed Deeble ee woqooyiga Hargeysa,  hase yeeshee Muuse Biixi  shakhsiyan kamuu jawaabin  eedayntaa.

Inkastoo Cismaan Dacas baaq u diray dhinacyada ay khusayso kana dalbay in loo dhiciyo beertaa oo uu tilmaamay in xoog lagaga haysto, haddana, dhinaca uu u tirinayo dhacaasi waxa la tilmaamayaa inay tuhunsan yihiin in Wasiir Maxamuud Xaashi oo ay isku raas yihiin Gen. Cismaan Dacas uu lug ku leeyahay arrinta beertan, oo ah markii u horaysay ee maqalkeedu ilaa xadkaa soo baxo, walow oo horeba dhawr goor siyaasiyiinta ay is hayaan ay ugu eeddeeyeen Muuse Biixi inuu haysto beer ciidanku leeyahay.

Dhanka kale, Wasiir Maxamuud Xaashi oo haatan lagu tilmaamo ninka ugu mashquulka badan, isla markaana ugu awoodda badan golaha xukuumadda, ayaa intii uu hayay jagadda wasiirka Madaxtooyadda isagoo fulinaya siyaasadda hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo qaaday ollole siyaasaddeed oo midha dhal u muuqda oo ku wajahan dadka deegaanadda bariga somaliland, kaasoo maraya heer wanaagsan oo farxad u ah midnimo dhamays ah oo Somaliland ku soo afjarto kala maqnaanshihii.

Sidaa daraadeedna, isku shaandhayntii ugu dambaysay ayaa loo arkaa talaabo loo qaaday dhanka saami qaybsiga, isla markaana beelaha Harti oo awal hore aanay cuddudooda iyo tiraddoodu ka muuqan Somaliland ayaa haatan la sheegayaa inay si xoog leh isu diiwaan gelinayaan, taanna waxa suuragal ka dhigay dadka deegaanaddaa oo soo jeestay iyo barnaaamijka siyaasaddeed ee xukuumadda oo iswaafaqay.

Dadka dhacdooyinka siyaasadda falanqeeya ayaa rumaysan in Wasiir Maxamuud Xaashi uu ka helay barnaamijkaa tiqo siyaasadeed oo kordhisay miisaankiisa iyo faa’iido dhaqaaleba, taasina ay ka dhignaan karto inuu haysto wax uu kula gorgortami karo Muuse Biixi, geesta kalena wax ku yeeli karo haddii uu ka warwareego meel marinta damiciisa.

Dhanka xisbiga Waddani ee uu hogaamiyo siyaasiga qun yar socodka ah ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa hadal haynta ugu badan ee mudooyinkan dambe la xidhiidhaa ku saabsan tahay, hirdanka murashixiinta ku loolamaya jagadda murashaxa Madaxweyne xigeenka xisbigaa oo ay tiraba iclaamiyeen inay u taagan yihiin sadex murashax. Gudoomiye Cirro ayaa loo arkaa mid uu hor yaalo imtixaan adag oo ka jawaabistiisa uu dhawr goor dib u dhigtay,isla markaana la dhawrayo bal inuu ku guulaysto iyadoo aanay ciddi ka cadhoonin inuu xusho ku xigeenkiisa iyo inuu tahli waayo oo saaxiibaddaa qaarkood dibadda u boodaan. Golaha dhexe ee xisbigaa oo ah ka dooranaya murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa mar kale dib loo dhigay xilliga uu dhacayo shirkiisu, kaasoo ku mudaysnaa kowda ilaa labada Oktoobar waxa dib loogu riixay 10.Okt ilaa 11.Okt.2016, dadka siyaasadda falanqeeyaana waxay qabaan in miisaanka loollanku qayb ka yahay talaabadan dibu dhigista, walow oo qaarkood aaminsan yihiin in sababtu tahay mid la xidhiidha jararaaca siyaasadda ee dabiiciga ah.

Dhinaca xisbiga Ucidna weli xal looma helin khilaafkii kala irdheeyay, waxaana laga war sugayaa go’aanka Maxkamadda, kadib markii Gud. Faysal ambiil ka qaatay go’aankii guddiga diiwaangelinta urrurada iyo axsaabta siyaasadda.

Xigasho Wargayska Ogaal.

Comments are closed